Muxuu Desalegn ka yiri Dagaalka ay Dowlada Soomaaliya la gaslayso Kooxda Al-shabaab?

Addis Ababa (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa ka hadlay dadaalada ay Dowladda Soomaaliya ugu jirto la-dagaalanka waxa uu ugu yeeray Argagixisada Soomaaliya ee Al-shabaab.

Desalegn, ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay garab weyn ku siinayaan dagaalka lala galayo Kooxda Al-shabaab, waxa uuna cadeeyay in Shabaab ay yihiin kuwa aan laheyn dareen dadnimo.

Sidoo kale, Hailemariam Desalegn ayaa tilmaamay in awooda Al-shabaab ay tahay keliya mid ku eg xasuuqa dadka rayidka ah, maadaama aysan sitoosa isaga celinkarin dowlada.

”Xukuumadda Somalia garab weyn ayaan ku siin doonaa dagaalka ay ururka Al-shabaab la galayso, waayo waxay dhibaato ku hayaan gobolka oo dhan,” ayuu yiri Desalegn oo warbaahinta la hadlayay.

Ra’iisul Wasaraha Itoobiya, wuxuu intaas ku daray in dagaalka lala galaayo Al-shabaab uu yahay mid u baahan midoobid si looga sifeeyo buu yiri gabi ahaan dalka Soomaaliya oo u ah saldhiga ugu weyn.

Dhanka kale, Desalegn ayaa ballan-qaaday in Dowladdiisu ay isha ku hayn doonto dhaawacyada ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe, si ay garab loogu siiyo dowlada Somalia, ayuu yiri.

Ugu dambeyn, Dowladda Addis Ababa ayaa ka mid ah dowladaha ay Somalia ka joogaan ciidamada AMISOM, waxaana lagu wadaa inay ka Qayb-qaataan dagaalka ay Dowladda Somalia ku dhawaaqday inay la galayso Al-shabaab.

PUNTLAND POST