Xaaf oo Xaqiijiyay in lagu Casuumay Kulanka Dowladda Dhexe iyo Maamul-goboleedyada

Cadaado (PP) ─ Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa xaqiijiyay inay soo gaartay martiqaad uu Madaxweyne Farmaajo u diray Madaxda maamul-goboleedyada Somalia, kuwaasoo lagu Casuumay inay kasoo qayb-galaan shir-wadatashi ah oo dhamaadka bishan ka dhacaya Muqdisho.

Axmed Ducaale ayaa xusay inuu ka qeyb galayo shirka dhowaan ka dhacaya Muqdisho, taasoo la micno ah in dowladda ay aqoonsan tahay, kaddib markii bishii hore warqad ka soo baxday wasaaradda Arrimaha Gudaha lagu taageeray xil ka qaadistii ay ku sameeyeen Xildhibaano ka tirsan Galmudug.

Madaxtooyada ayaa kasoo dabacday Mowqifkeeda arrimaha maamullada ka jira dalka oo horay loogu eedeeyay inay fara gelin ku heyso.

Sidoo kale, Xukuumadda Somalia ayaa iyadana door ku lahayd Arrimaha ka jiray maamul goboleedyada, gaar ahaan Xaaladda Galmudug oo la sheegay inay gadaal ka riixeysay ololaha lagu ridayay Madaxweyne Xaaf.

Dhanka kale, Shirka Mas’uuliyiinta Dowladda Somalia iyo kuwa Maamullada dalka ka jira ee dhici doona 28-ka bishaan – ayaa diirada lagu saari doonaa xalinta khilaafka u dhaxeeya, iyadoo shir dhowaan maamul goboleedyada ay ku yeesheen Kismaayo ku aas aasay Gole ay ku mideysan yihiin.

Ugu dambeyn, Haddii Madaxweynaha Galmudug uu ka qayb-galo shirk aka dhici doona Muqdisho, waxaa meesha ka baxaya ololihii ay Xukuumadda FS waday ee ka dhan ahaa Madaxweyne Xaaf.

PUNTLAND POST