Madaxweyne Farmaajo oo Safar deg-deg ah ugu ambabaxay dalal ay ku jirto Itoobiya

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia Madaxweyne C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegayaa inuu dalka uga bixi doono safar dhaqso ah oo uu ku tegi doono dalalka dariska la ah Soomaaliya.

Safarka Farmaajo ayaa la sheegay inuu salka ku hayo go’aankiisii ahaa in si wadajir ah loola dagaalamo Al-shabaab, kaddib markii kooxdan dusha looga tuuray inay ka dambeysay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee dadka badan ay ku dhinteen oo 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zope ee Muqdisho.

Dalalka uu Madaxweynaha Somalia booqan doono ayaa waxay kala yihiin; Jabuuti, Uganda iyo Itoobiya oo ay ciidammo ka joogan Somalia, wuxuuna sidoo kale weydiisan doonaa in Ciidamadooda ay kaalin mug leh ka qaatan la dagaalanka Al-shabaab.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay waddamadaas wuxuu la kulmi doonaa dhammaan hoggaamiyayaasha dalalkaas oo xiriir wanaagsan uu kala dhexeeyo Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la xaqiijiyay inuu safarkiisu qaadan doono mudo hal toddobaad ku dhaw, iyadoo booqashadan ay noqonayso middii labada oo uu dal walba oo ka tirsan saddexdan uu tago madaxweyne Farmaajo tan iyo markii la magacaabay.

Dhanka kale, Farmaajo ayaa taageero millateri weydiistay Dowladda Turkiga oo la rumeysan yahay inay tahay dowladda ugu dhow Soomaaliya, marka la eego dowladaha kale ee xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo beegmeysa xili uu maalintii Khamiista uu ku dhawaaqay dagaal lagu qaado Al-shabaab-ka guud ahaan dalka ku sugan ee halista ku haya dowladdiisa.

PUNTLAND POST