Khasaaraha Rasmiga ah ee Qaraxii Danida-baaloow.

Ugu yaraan 10 ruux oo dhammaantood shacab ah ayaa dhintay,kadib markii qarax miino uu la kacay gaari ay saarnaayeen oo marayey degaanka Daniga-baaloow oo qiyaastii 15km dhanka galbeed uga beegan degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe,sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Rakaabka ayaa saarnaa gaari hoomey ah oo ka soo baxay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose,kuna socday degmada Balcad oo ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe,waxaana Dadkii gaariga saarnaa ay noqdeen wax dhintay iyo wax dhaawacmay,sida ay soo werisay Warbaahinta maxalliga ah.

Mid kamid ah dadka tuulada Daniga-baaloow oo diiday in magaciisa iyo codkiisa la baahiyo ayaa sheegay in khasaare ba’an uu soo gaaray rakaabka,sidoo kalena uu burburay gaarigii ay saarnaayeen.

“Miino ayaa la kacday gaariga,waxaana ka dhashay khasaare ba’an oo soo gaaray dadkii saarnaa oo wax dhintay iyo wax dhaawacmay noqday,waxaan arkay hilbo goo’go’ay iyo dhiig badan oo goobta daadsan,sidoo kale waxaa gebi ahaanba burburay gaariga”.ayuu yiri.

Rakaabka oo u badnaa haween ka ganacsada khudaarta ,ayaa tiradooda lagu sheegay 18 qof oo dhammaantood shacab ah,kuwaasoo khudaar ka soo raray beero ku yaalla duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi,inkstoo ururka al-shabaab looga bartay qaraxyada noocaan oo kale ah.

Todobaadkii tegay qarax ismiidaamin ah oo gaari loo adeegsaday,ayaa caasimadda Mogadishu ku dilay ugu yaraan 358 ruux,halka ku dhowaad 400 kale ku dhaawacmeen,waxaana lagu tilmaamay kii ugu khasaaraha badnaa taariikhda Soomaaliya.

Tan iyo bilowgii sannadkaan in ka badan 20 qarax ayaa ka dhacay magaalada Mogadishu,kuwaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 500 oo qof,in ka badan 600 oo kalena ku dhaawacmeen(Xog).

Inta badan qaraxyadaas waxaa fuliyey ururka Al-shabaab oo dagaal kala horjeeda ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga dalka.

Al-shabaab ayaa Mogadishu laga saaray sannadkii 2011,xilligaasi oo looga adkaaday dagaalkii tooska ahaa ee maagalada,balse waxay bilaabeen qaraxyo ismiidaamin ah oo ay ku beegsanayan xarumaha dowladda iyo huteellada,iyo goobaha dadweynaha.Sidoo kale Al-shabaab ayaa tan iyo xilligasi Mogadishu ka fuliyey weerarro qorshaysan,dil iyo af-duub.

Soomaaliya waxaa haatan ka hawlgala 24 kun oo askerta AMISOM ah,kuwaasoo ka socda dalalka Uganda,Burundi,Kenya, Ethiopia,iyo D jibouti.Hawlgalka AMISOM ayaa ujeedkiisu yahay nabad ilaalin,waxayna dalka soo galeen 20 February 2007 .

Khubarada militariga ayaa aaminsan “in AMISOM laga maarmi karo, haddii si fiican loo tayeeyo ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya,si looga adkaado Al-shabaab”oo loo arko caqabadda ugu weyn ee dhinaca amniga Soomaaliya.

 

PUNTLANDPOST

cabdiraxmaan Ciise Cumar