Go’aan Robert Mugabe loogu Magacaabay Xubin Sharafeedka WHO oo laga Fiirsanayo

New York (PP) ─ Madaxa Cusub ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO ayaa sheegay inuu ka fiirsanayo go’aankii uu ugu magacaabay dhawaan madaxweynaha Zimbabwe, Robert Mugabe inuu hay’addaasi caalamiga ah u noqdo safiir-sharafeed.

Dr. Tedros Adhanom ayaa toddobaadkii tagay u magacabaay Mugabe inuu ka noqo hay’adda safiir-sharafeed, isagoo uga dhawaaqay arrintaan shir uu ka Qayb-galayay Mugabe oo ka dhacayay Uruguay. Laakiinse magacaabistan ayaa horseedday cambaarayn caalami ah.

Sidoo kale, Dr. Tedros ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay inuu haatan dib uga fekerayo qaabkii uu ku magacaabay Madaxweyne Robert Mugabe, isagoo qadarinaya wuuxu ugu yeeray qiyamka hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Madaxa Hay’adda WHO wuxuu intas ku daray inuu dhawaan soo saari doono bayaan cusub oo arrintaasi la xiriirta. Dalalka Britain iyo Mareykanka ayaa si cad u sheegay inay ka niyad jabeen magacaabista Mugabe.

Dhanka kale, Mucaaradka dalka Zimbabwe-na ay Arrintaasi ku tilmaameen mid kaftan ah. Laakiin taageerayaasha Madaxweyne Mugabe ayaa sheegay inay taasi tahay qadarin ku haboon hogaamiyahan ugu da’da weyn qaaradda Afrika, kaasi oo ay sheegeen inuu si weyn u taageero daryeelka caafimaadka ee caalamka.

Ugu dambeyn Dadka Naqdiya Mugabe ayaa waxay ugu yeeraan kaligii taliye kor ka eeganayay burburka hannaanka caafimaadka ee Zimbabwe, xilligii uu dhaqaalaha dalkaasi sii liicayay.

PUNTLAND POST