Gaari ay la socdeen Dad rayid ahaa oo Miino kula qaraxday Duleedka Degmada Balcad

Wararka naga soo gaaraya Deegaan qiyaastii 11 KM u jira Degmada Balcad ee Gobolka Sh Dhexe ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax miino.

Qaraxaan Miino ayaa haleelay gaari ay saarnaayeeen dad shacab ahaa oo ku socday Degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe.

Wararka ay Puntland Post ka heleeyso halkaasi ayaa waxa ay sheegayaan in gaarigaan saaka uu ka amba baxay degmada Afgooye islamarkaasina uu ku sii jeeday Balcad.

Gaariga ayaa waxaa saarnaa dad u badan haween ka ganacsada coowska xoolaha la siisto.

Gaariga ayaa dul maray miino ku aasneyd wadada dhinaceeda iyada oo ku qaraxday gaarigaasi waxaana jira qasaare dhimashi iyo dhaawac.

ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga qasaaraha inta uu gaarsiisanyahay hayeeshee waxaa jira qasaaro nafeed oo aad u badan.

Faah Faahinta dib kala soco Insha allah 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho