Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliland oo Jabuuti ku geeriyooday

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka maamulka Somaliland oo mudooyinkii dambe ku xanuunsanayay dalka Jabuuti ayaa lagu soo waramayaa inuu ku geeriyooday Hospitaal ku yaala Dalkaasi.

Geerida Xasan Cawaale Caynaan oo kamid ahaa xildhibaanada Somaliland ayaa waxaa ka tacsiyadeyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Iskeed isku magacowday ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

”Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, kan Xukuumada iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golaha wakiilada, guurtida, bahda waxbarashada, waxgaradka, waayeelka,  haldoorka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum  Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan”

Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka tirsanaa Baarlamaanka Maamulka Somaliland ayaa sidoo kale ahaa Guddoomiyihii Guddiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Somaliland.

PUNTLAND POST