XASAN KHAYRE: Waa in la joojiyo wax walba oo Al-shabaab u sahli kara falalkooda

Muqdisho (PP) ─ Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Kheyre ayaa shaaca ka qaaday in maleeshiyaadka Alshabaab ay dib u xoojinayaan dhibaatada ay ku hayaan Shacbiga Soomaaliyeed.

Kheyre ayaa sheegay in Al-shabaab ay ku taamayaan inay laayan dhamaan shacbiga Soomaaliyeed, waa haddii ay u saamaxeyso, sida uu hadalka u yiri. Wuxuuna tilmaamay in Al-shabaab ay fursadahaasi ka heleen Khilaafka ka dhex-aloosan madaxda Dowladda.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in xoogagga Al-shabaab ay ka faa’iideysteen Khilaafka Siyaasadeed ee taagan, Wuxuuna ku baaqay in laga fiirsado khilaafyada fursada u noqon kara Al-shabaab.

Khayre, ayaa hadalkiisa ku daray inaysan muhiim ahayn in Mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta Soomaaliya ay mar walba isku-mashquulaan, isla markaana uu is-qab-qabsi siyaasadda soo dhex-galo.

”Dhibaatada lagu hayo shacabka waxaa sabab u ah khilaafka ka dhex-jira madaxda dalka, waxa ay taasi fursad siisay alshabaab oo aan la socno inay ka dhex faa’iideystaan khilaafka,” ayuu yiri Khayre.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ku baaqay in wixii khilaaf ah loo xaliyo qaab hoose, isla markaana aan cadowga loo muujin waxa ka dhexjira dowlada.

Ugu dambeyn, Haddalka Xasan Cali Kheyre ayaa kusoo beegmaaya xili inta uusan dhicin Qaraxii Zope uu waddanka hareereeyay khilaaf Siyaasadeed u dhexeeyay madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul-goboleedyada.

PUNTLAND POST