Kulan Xasaasi ah oo Madaxweyne Farmaajo la yeelan lahaa Labada Gole ee Baarlamaanka oo baaqday

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa ku wargaliyay xildhibanada baarlamaanka Soomaliya in uu baaqday kulankii maanta ka dhici lahaa xarunta Golaha shacabka ee magaladda muqdisho.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ahaa hadal-jeedin uu samayn lahaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, kaasi oo xildhibaanada golaha shacabka iyo aqalka sare u direy warqad uu kaga codsanayo in uu la kulmo.

Guddoonka ayaa sheegay in arrimo farsamo oo golaha ka dhiman iyo banaan-baxyo laga cabsi qabo in Magaaladda ay ka dhacaan loo baajiyay kulankii maanta ka dhici lahaa xarunta Golaha Shacabka ee magaaladda Muqdisho.

Kulankan oo ahaa mid uu codsaday madaxweyne farmaajo inuu si wadajir ah khudbad ugu jeediyo labada aqal ayaa si aan ku tala gal aheyn ugu soo aaday 21 october oo ku beegan maalintii kacaanka oo uu xukunka la wareegay madaxweynihii hore maxamed siyaad barre.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo uu xildhibaanada labada Aqal ku wargalin lahaa in dalka uu galiyay xaaladda dagaal kadib qaraxii lagu dhamaaday ee 14-kii bishaan ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqisho kaasi oo ay ku dhinteen 358-qof oo shacab ahaa.

PUNTLAND POST