Sirdoonka Mareykanka oo sheegtay in laga yaabo in Nuclear lagu Duqeeyo Mareykanka

Washington (PP) ─ Agaasimaha Guud ee Hay’ada Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da, Mike Pompeo ayaa ka digay in Dowladda Kuuriyada Waqooyi ay u saaran tahay qarka inay awood u yeelato inay gantaallada Nuclear-ka ay ku garaacaan dalka Mareykanka.

Mike Pompeo ayaa Carabka ku adkeeyay in dalka Mareykanka ay wali door-bidayaan xal Dublamaasiyadeed iyo Cunna-qabateyn, balse tillaabo Militari ay wali tahay mid khiyaarka ku jirta.

Sidoo kale, Pompeo ayaa ka digey in khibrada Pyongyang ee Gantaalada ay tahay mid si dhaqso ah hormar u samaynaysa Laakiinse ay adagtahay in Sir-doonka Mareykanka ay xaqiijiyaan goorta ay guulaysanayaan.

Xukuumadda Kuuriyada Waqooyi, ayaa ku doodaysa inay leedahay Awood ay Mareykanka ku weerari karto, inkastoo Madaxweyne Trump uu horay ugu goodiyay inay ka jawaabi doonaan khatar kasta oo Kuuriyada Waqooyi uga timaadda.

Dhanka kale, Todobaadkii lasoo dhaafay ayaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Waddanka Mareykanka Rex Tillerson ayaa ku adkaystay in madaxwayne Donald Trump uu doonayo in arrinta Kuuriyada Waqooyi lagu xaliyo qaab-dublamaasiyadeed.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Pyongyang ayaa sheegtay inay halkeeda kasii wadi doonto tijaabinta hubka khatarta ah ee Nuclear–ka, iyadoo tani ay ku soo beegmayso iyadoo dunida ay si aad ah uga qaylinayso hubka ay weli tijaabinayso xukuumadda North Korea.

PUNTLAND POST