Garowe oo soo dhaweyn balaaran loogu sameeyay Madaxweynaha Puntland

Dadweynaha ku nool magaalada Garowe ayaa maanta soo dhaweyn aan loo kala harin u sameeyay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ka dib socdaal uu kaga soo kicitimay magaalada Bosaso islamarkaana uu xalay kusoo hoyday magaalada Qardho oo uu maanta dib ugu soo guryo noqday Caasimada Puntland ee Garowe.

Waxaa ka qeybgalay soo dhaweyntii maanta loo sameeyay Madaxweyne Cabdiweli Gaas dadweyne fara-badan oo ay ka mid yihiin barakacayaasha ku nool kaamamka ku yaala magaalada Garowe, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha kala duwan ee Dowlada iyo Saraakiisha ciidamada.

Warbaahinta PUNTLAND POST oo microphone-ka la dhexqaaday dadweynihii iyo masuuliyiintii ka qeybgalay soo dhaweynta waxay u sheegeen inay ku faraxsan yihiin imaanshaha waftiga uu hogaaminayo Madaxweyne Gaas.

Isku soo wada duuboo soo dhaweynta maanta ayaa wax badan ka duwanayd sidii horre, waxaana muuqatay taageero weyn oo dadweynuhu u hayaan Madaxweynaha Puntland.

DAAWO.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST