Ciidammo ka tirsan kuwa Amaanka Masar ah oo lagu dilay Qaahira

Qaahira (PP) ─ Ugu yaraan 30 Askari oo ka tirsan Ciidamada Ammaanka  dalka Masar ayaa lagu dilay iska-hor-imaad dhex maray koox looga shakisan yahay inay mintidiin yihiin iyo ciidamada Masar.

Iska-hor-imaadkan ayaa billowday kaddib markii Ciidamada Booliiska ay u dhaceen Xaafadda Baaxaad oo ku taalla Gobolka Jiiza ee Koonfur-galbeed ee maqaalada Qaahira, halkaasoo ay ku dhuumanayeen kooxdan isla markaana ku xooganaayeen.

Ciidamada ayaa markii dambe Adeegsaday diyaaradaha Qummaatiga-u-kaca si ay kooxda u beegsaday. Kooxdan oo isku dayayay in ay baxsadaan ayaa waxay rasaas ku fureen booliiska.

Dhanka kale, Kooxdan hubeysan ee laga shakisan yahay ayaa waxay kasoo ridayeen rasaasta dhismooyiin dhaa-dheer, waana qasaarihii ugu weynaa ee ciidamada masar kasoo gaara koox hubeysan gudaha magaalada Qaahira.

Ugu dambeyn, Wararka ayaa sheegaya in Mintidiintani ay ka tirsan yihiin kooxda lagu magacaabo Hasm, oo horey weeraro ula bartilmaameedsaday Ciidamada Ammaanka.

PUNTLAND POST