Bosaso:- Shirkadda TOWFIIQ oo abaalmarino gudoonsiisay macaamiisha

Shirkadda Ganacsiga ee TOWFIIQ ayaa ku abaalmarisay saddex baabuur iyo abaalmarino kala duwan  macaamiisheeda sida tooska ugu xiran ka dib munaasabad lagu qabtey magaalada Bosaso oo ay kasoo qeybgaleen ganacsato ka shaqeysta deegaanada kala duwan ee Puntland, Madaxda Shirkadda Towfiiq iyo Waaberi Group.

Shirkadda TOWFIIQ ayaa gudoonsiisay macaamiisheeda saddex gaari oo labo ka mid ah yihiin Mark II, Gaari Chaser ah,Computarada gacanta (Labtops),Talaagado,Makiinadaha dharka lagu nadiifiyo,Dhalooyinka Tv-yadda iyo Telefonada gacanta.

Dadka ku guulaystay Abaalmarinta ay bixisay Shirkadda TOWFIIQ ayaa ka mid ah macaamiisha sida aadka u isticmaala cabitaanka FOSTER CLARKS oo shirkaddu keento gudaha dalka.

Gudoomiyaha guud ee Shirkadda TOWFIIQ Yuusuf Cali Biixi  ayaa sheegay in barmaanijkoodu ku qotomo sidii loo abaalmarin lahaa macaamiisha iibgeeya cabitaanka  FOSTER CLARKS oo uu sheegay inuu yahay cabitaanka ugu caansan ganacsigooda, Islamarkaana taariikh dheer ku leh gudaha dalka iyo guud ahaan-ba caalamka kale.

Yuusuf Cali Biixi ayaa sheegay inuu si diiran usoo dhaweynayo macaamiisha ku xiran ganacsiga Shirkadda TOWFIIQ, wuxuuna sheegay in maamulka shirkaddu mar walba kusoo dhaweynayo gacmo furan iyo ganacsi faa,iido u leh.

Dhinaca kale masuuliyiinta rugta ganacsiga Puntland oo ka mid ahaa madaxdii kasoo qeybgashay munaasabada ayaa ku amaanay barnaamijkan maamulka Shirkadda TOWFIIQ oo ay sheegeen inay ka farxiyeen macaamiishooda.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.