21- Octobar waa Maalin Ceen kee ah maxaysa Shacabka Soomaaliyeed uga dhigantahay?

Arooryadii hore ee 21-kii Oktoobar sanadkii 1969-kii ayey aheyd markii koox ka tirsan ciidamadii milateriga iyo kuwa Booliska oo uu hogaaminayey S/Gaas Maxamed Siyaad Barre ay xukunka dalka ku qabsadeen afgembi aan dhiig ku daadan, maalmo ka dib markii magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool lagu dilay madaxweynihii dowladdii sida Dimoqraadiga ah loo soo doortay ee xiligaasi jirtay marxuum C/rashiid Cali Sharmarke, waxaana ciidamadan ay u soo baxeen wadooyinka iyagaoo wata taangiyo waxayna gacanta ku dhigeen xarumaha waaweyn ee dowladda sida xarunta Baarlamanka, idaacadii Radio Muqdisho iyo meelo kale oo badan.

Saraakiishii afgemigaasi hogaamineysay oo intooda badan ay hadda geeriyoodeen ayaa waxaa ka mid ahaa:-

1. Maj. Gen. Maxamed Siyaad Barre (Xoogga)
2. Maj. Gen Jaamac Cali Qorsheel (Boolis)
3. Brig. Gen. Maxamed Ceynaanshe Guuleed (Xoogga)
4. Brig. Gen. Xuseyn Kulmiye Afrax (Boolis)
5. Brig. Gen. Salaad Gabeyre Kediye (Xoogga)
6. Brig. Gen. Maxamed Cali Samatar (Xoogga)
7. Brig. Gen. Cabdalla Maxamed Faadil (Xoogga)
8. Col. Cali Mataan Xaashi (Xoogga – Ciidanka Cirka)
9. Col. Axmed Maxamuud Cadde (Boolis)
10. Col. Maxamuud Mire Muuse (Boolis)
11. Lt. Col. Ismaaciil Cali Abokar (Xoogga)
12. Lt. Col. Axmed Suleymaan Cabdalla (Xoogga)
13. Lt. Col. Maxamed Sheekh Cusmaan (Boolis)
14. Lt. Col. Maxamed Cali Shire (Xoogga)
15. Lt. Col. Maxamuud Geele Yuusuf (Ciidanka Badda)
16. Lt. Col. Faarax Waceys Duule (Xoogga)
17. Lt. Col. Axmed Maxamuud Faarax (Xoogga)
18. Lt. Col. Axmed Xasan Muuse (Xoogga)
19. Maj. Cabdirisaaq Maxamed Abuukar (Xoogga)
20. Maj. Bashiir Yusuf Cilmi (Xoogga)
21. Capt. Cabdulqaadir Xaaji Maxamed (Xoogga)
22. Capt. Maxamed Cumar Jees (Xoogga)
23. Capt. Cusmaan Maxamed Jeele (Xoogga)
24. Maj. Muuse Rabiile Good (Xoogga)
25. Capt. Cabdi Warsame Isaaq (Xoogga).

21 sano ka dib 26-kii Janaayo sanadkii 1991-dii xukunka dalka laga tuuray ALLAHA u naxariistee marxuum Maxamed Siyaad Barre madaxweynihii Dowladdii milateriga aheyd ee dalka ka talineysay muddo 21-ka sano ah, ka dib markii Jabhado ku kacay xukunkiisa ay ugu dambeyntii caasimada kula dagaalameen ka dibna ka saareen.

Inkastoo marxuum Maxamed Siyaad Barre lagu eedeeyn jiray inuu ku xad gudbay arimo badan oo ay ugu horeyso diinta Islaamka, isla markaana ay xubno ka tirsan qoyskiisa ku takri fali jireen awooda dalka iyo hantida Qaranka ayaa hadana laga soo bilaabo xiligii xoriyada la qaatay oo aheyd 1960-kii illaa ilaa xiligan burburka aan la heynin cid qabatay wax ka wanaagsan ama xitaa u dhow wixii uu u qabtay dalka iyo dadka Somaliyeed, isagoo dalka ka abuuray hanaan dowladnimo oo dhameystiran gacan bir ahna ku jiray, waxaana waxyaabaha lagu xusuusto Dowladaasi ka mid ahaa waxbarasho lacag la’aan ah, min Dugsi hoose illaa heer Jaamacadeed taasoo ay adkeyd in laga soo helo dal kale oo Afrikaan ah, ciidamo tayeysan oo mar noqday kuwa ugu fiican qaarada Afrika, amaan buuxa oo xiligii aad doonto socon karto dhismihii isbitaalada jaamacadaha wadooyinka iyo wasaaradaha, sidoo kale waxaa lagu xasuustaa Maxamed Siyaad Barre marti galintii madaxda afrika sanadkii 1974 iyo qoridii afka soomaaliga 1972 ku biiridii Soomaaliya ee Jaamacada carabta sanadkii 1974 iyo dagaalkii Itoobiya lagu qaaday 1977 ee lagu xoreeynayay Somali galbeed iyo aruurintii ilmaha darbi jiifka iyo bacaad celintii beeraha iyo arimo badan aan la soo koobi Karin.

Dhibaatooyinka ay dadka ku sheegan jireen xukunkii marxuum MSBare waxaa ka mid ahaa caburin dhinaca xoriyatul qowlka ah, Musuq-maasuq markii dambe baahay, xarig dil lagula kici jiray cidii loo arko iney khatar ku tahay Dowladda, iyo kuwo kale kuwaasoo sababay in dadku ay u sacab tumaan Jabhadihihii ku kacsanaa oo xiligaasi loo arkayey kuwo keeni kara xukun furfuran oo dhaama kii kacaanka, hase ahaatee, nasiib daro markii Maxamed Siyaad la eryey waxaa uu dalku galay dagaalo sokeeye oo aan dhamaaad laheyn markastana weji cusub oo hor leh la soo baxayey marxalad cusubna fooda la sii galayey, waxaana meel walba ku baahay xaalad fowdo iyo Jahwareer leh oo taagan illaa hadda oo ay ka soo wareegtay xiligaasi 25 sano waxaa la la’yahay xal lagu soo celiyo Qarankii Somaliyed.

Sida dad badan aaminsan yihiin MSbarre qaladaadkii ugu waaweynaa ee uu galay ayaa waxaa ka mid ahaa toogashadii lagu fuliyey horaantii sanadkii 1975-kii 10 nin oo ka tirsana culumaa’udiinka Somalida ka dib markii ay ka soo horjeesteen go’aan diinta Islaamka qilaafsanaa oo ka soo baxay golihii sare ee Kacaanka oo ahaa in ragga iyo haweenku ay yihiin, kaasoo ahaa sinaanta raga iyo haweenka, waxaana culumaa’udiinkaasi la dilay ay kala ahaayeen.

1- Sheekh Axmed Sh. Maxamed
2 – Sheekh Muuse Yuusuf
3 – Sheekh Axmed Iimaan
4 – Cali Xasan Warsame
5 – Xasan Ciise Iley
6 – Maxamed Siyaad Xirsi
7 – Cali Jaamac Xirsi
8 – Aadan Cali Xirsi
9 – Saleebaan Jaamac Maxamed
10- Yaasiin Cilmi Cawil.

April 9, 1978 – Waxaa dhicisoobey Inqilaab lala maaganaa in lagu rido xukuumadii Siyaad Barre, Waxaana la toogtey 17 ka mid ahaa raggii inqilaabka lagu tuhmay oo uu ku jirey Col. Maxamad Shiikh Cismaan Cirro oo ahaa hogaaminayey Inqilaabka. Xilligaas ayuu oo marxuum C/llaahi Yuusuf oo mar madaxweyne ka noqday dalka ka baxay Soomaaliya maadaama uu kamid ah raggii ku jirey fulinta Inqilaabkaas fashilmay.

Inqilaabku wuxuu ku qorshaysnaa inuu dhaco April 12, 1978, laakiin wuu ka soo hormaray oo wuxuu dhacay taariikhdu markay ahayd April 9, 1978 waana uu dhicisoobay, waxaana raggii loo xiray ee markii dambe loo dilay ka mid ahaa saraakiil ay ka mid ahayaeen Maxamed Ceynaanshe Guuleed, Gen. Salaad Gabeyre Kediye iyo qaar kale.

Sept 1978 – Col. Cabdullaahi Yuusuf ayaa asaasay mucaaradkii ugu horeeyay ee taariikhda dalka Soomaaliya, waa jabhadii (SDF) taasoo bishii October 1981 isu bedeshey (SSDF).

August 7, 1990 – Jabhadihii SNM (oo la asaasay April 1981), USC (oo la asaasay 1989) iyo SPM (oo la asaasay March 1989) ayaa u midoobey sidii ay u tuuri lahaayeen xukuumadii Siyaad Barre.

Maanta oo kale 21-ka Otoobar waxay aheyd maalin farxadeed oo loo dabaaldegi jiray xiligii berisamaadkii curashadii kacaankii 21-ka oktoobar, waxaa la sameyn jiray dabaaldegyo arintaasi la xiriira , kaasoo uu ugu weynaa kii ka dhici jiray fagaaraha Tarabuunka halkaasoo madaxweyne Jaalle Maxamed Siyaad Barre iyo xubnihii la baxay golihii sare ee kacaanka ay salaan sharaf kaga qaadan jireen qeybaha kala duwan ee bulshada sida haweenka, shaqaalaha, ardayda iyo ciidamada qalabka sida oo halkaasi socod noocyo kala duwan leh ku mari jiray, marxuum Maxamed Siyaad barre waxa uu ku geeriyooday bishii Janaayo 2005-tii magaalada Lagos ee dalka Nigeria oo uu qaab magangelyo ah ku joogay, iyadoo maalmo ka dibna lagu aasay gobolka Gedo oo degaan ahaan qoyskiisu ay ka soo jeedaan, waxaana hubaal ah in Somalia aysan Iloobi doonin wixii uu u galay.

Dowlado badan oo KMG ah ka dib waxaa sadex sano jirsatay dowlad rasmi ah oo awoodeeda sharci ay la siman tahay dowladii kacaanka aqoonsi buuxa oo caalami ahna heysata hase ahaatee awoodeeda hogaamineed ee gudaha ay kooban tahay, waxaana laga rajeynayaa iney dib u soo celiso sharaftii iyo karaamadii uu lahaan jiray Qaranka oo weli baadi goob loogu jiro.

PUNTLAND POST