Madaxweynaha Puntland oo kormeeray dhismaha jidka Ceel-daahir ilaa Ceergaabo

Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta kormeer ku tagey halka ay mareyso wadada isku xiraysa magaalooyinka Ceel-daahir ilaa iyo Ceergaabo oo hadda dhismaheedu marayo meel wanaagsan.

Madaxweyne Gaas oo maanta kasoo kicitimay magaalada Bosaso ayaa kormeerka wadada ku gaarey ilaa iyo 5 KM oo dhanka galbeed ka xigta magaalada Ceel-daahir oo ah goobta laga bilaabay 55 KM oo wadada loo dhamaystirey caro tuur iyo jaygii, halka 15 KM oo ka mid ahna isbuucan gudihiisa la dhigi doono caro tuur iyo jay .

Guud ahaan inta laga shaqeeyay wadada ayaa ah 70 KM ,wuxuuna noqonayaa mashruucani kii u horeeyay oo ku hirgala fikradii ahayd ISKU TASHI oo uu ku dhawaaqay sanado ka hor Madaxweyne Gaas.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST