Al-shabaab oo durba kala carar bilaabay

Militariga Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa maanta si nabad ah kula wareegay degaanno ka tirsan gobolkaasi,kadib markii ay Al-shabaab ka baxeen,ka hor intaan ciidanku gaarin,sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee (SONNA).

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in Ciidanka Xoogga dalka ay gaareen degaannada Mareerey,Sabiible iyo Caanoole oo dhammaantood ka tirsan Sh/Hoose,kadib markii Al-shabaab banneeyeen,balse ma jirto cid ka madax-bannaan oo warkaasi xaqiijisay.

Al-shabaab ayaa degaannadaasi uga baxay culays kaga yimid dhanka militariga Soomaaliya,waxayna u firxadeen dhulka hawdka ah,iyadoo ay weli ku raad joogan Ciidanka Xoogga Dalka,sida ay Wakaaladdu soo werisay.

Todobaadkii tegay qarax ismiidaamin ah oo gaari loo adeegsaday,ayaa Mogadishu ku dilay in ka badan saddex boqol oo ruux,tiro kale oo badana waa ku dhaawactay,waxaana lagu tilmaamay kii ugu khasaaraha badnaa taariikhda Soomaaliya.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi,inkastoo dowladda Soomaaliya ku eedaysay ururka Al-shabaab ee dagaalka xooggan kala horjeeda ciidanka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga dalka.

Dibad-baxyo ballaaran oo lagu cambaareynayo qaraxaasi ayaa la isugu soo baxay qaar kamid ah magaalooyinka waaweyn ee dalka ah oo ay ku jirto caasimadda Mogadishu,waxaana mar qura kacay dareenka shacabka Soomaaliyeed oo ka gilgishay xasuuqa lagu laayey rayidka aan waxba galabsan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxammed cabdullaahi(Farmaajo) oo Arbacadii kumannaan dibad-baxayaal ah kula hadlayey Garoonka kubadda cagta Konis ee magaalada Mogadishu,ayaa ku baaqay’in loo midoobo dagaalka al-shabaab”oo uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen qaraxaasi lagu hoobtay.

“Waxaan idiin sheegayaa, dhallinyaro, Haddaad iskuulka dhammaysaan xageed u shaqa tegeysaan? meel jidadka la idiinku xasuuqayo. Waa in aad u istaagtaan difaaca naftiida, difaaca hooyooyiinkina, difaaca deriskiina iyo difaaca dalkiina,” ,ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Axaddii la soo dhaafay, sarkaal sare oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo diiday in magaciisa la xigto,ayaa PUNTANDPOST u sheegay in Dowladda Soomaaliya qorshaynayso dullaankii ugu ballaarnaa oo lagu qaadayo al-shabaab, islamarkaana looga fal-celinayo qaraxii Soobe.

sarkaalka ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu taliyaasha ciidanka kala hadli doono sida loo dejinayo qorshaha dagaalkaas cusub ee lagu qaadayo Al-shabaab,iyo magaca ugu habboon ee loo bixin karo.

Khamiistii shalay Ra’iisulwasaare Xassan Cali Khayrre oo la hadlayey dhalinyaro ku sugan Xarunta looga gurmanayo dadkii ku waxyeelloobay qarax,ayaa sheegay in wixii sabtida ka dambeeya dalku dagaal geliyo.

khayrre ayaa ugu baaqay dhalinyarada iney u istaagaan sidii dalka looga xoreyn lahaa al-shabaab oo uu ku tilmaamay”koox caadaysatay xasuuqa shacabka Soomaaliyeed”.

“ Cududda ugu badan ee dalku leeyahay waa idinka. maanta haddii aan isku geyno awooddeena, waxaa hubaal in dhib danbe aysan shabaab noo geysan karin” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Wuxuu rajo ka muujiyey in dhalinyara Soomaaliyeed dhiigga ay ugu deeqayan dhibbanayasha qarax,mid lamid ah ay ugu deeqaan difaaca dalka iyo dagaalka furimaha hore.

“Dhiigga aan ku bixinayno Isbtlitaallada insha allahu waxaan ku bixin doonnaa furimaha dagaalka. Madaxweynaha ayaa nagu hoggaaminaya dagaalka idinkuna u diyaar garooba difaaca dalkiina hooyo, kana qeyb qaata in ay nabad ku seexdaan caruurteena iyo hooyooyinka maalin walba barooranaya”,ayuu mar kale yiri Khayrre.

Dhinaca kale taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa la kulmay Taliyaha AMISOM Gen: Cusmaan Nuur Subagle iyo saraakiisha ugu sareysa Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, oo uu kala hadlay dagaalka al-shabaab.

“Kulankan muhiimka ah ee aynu maanta halkan u fadhino ujeedkiisu waa in wadajir loogu diyaar garoobo dib u xoreynta goobaha dhiman ee cadowgu joogo. Waxaan isla garanay AMISOM in Soomaaliya laga ciribtiro Argagixiso ”ayuu yiri Gorod.

Madaxweyne Farmaajo ayaa warqad codsi ah u diray labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo ka dalbaday in ay kulan deg deg ah isugu yimaadaan maalinta sabtida ah,si uu ugu jeediyo khudbad ka hadlaysa in dalku xaalad dagaal galay.

Duullaanka weyn.

PUNTLAND POST ayaa ogaatay in madaxweyne Farmaajo khudbaddaasi ku iclaamin doono duullaan weyn oo lagu qaadayo al-shabaab,kaasoo looga falcelinayo qaraxii Soobe.

Duullaanka ayaa laga bilaabi doonaa gobolka Shabeellaha Hoose oo lagu tuhunsanyahay in laga soo abaabulay qaraxii Soobe.

Diyaaradaha Drones-ka Maraykanka ayaa warar ka qaar sheegayaan in ay  ka qayb qaadan doonaan duullaanka,balse PUNTLAND POST ma xaqiijin karto warkaasi.

PUNTLAN DPOST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar