Dowladda Soomaaliaya oo ka hadashay dhaawacyadii loo qaaday Sudan


Wasiirka Arrimaha Dibada Dowladda Federaalka Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay warar soo baxayay oo sheegayay in dhaawacyadii Soomaalida ee la geeyay dalka Sudan ay la kulmeen dayac, kadib markii ay waayeen adeeyadii ay u baahnaayeen.

Yuusuf  Garad Cumar oo War qoraala oo kooban soo dhibay bartiisa Facebook-ga ayaa xaqiijiyay in ay jirtay cabashooyin ay dhaawacyadaasi qabeen, isagoo sheegay  in inta badan la xalliyay.

Waxaan hadda sheegi karaa in inta badan dadka dhaawaca ah la xalliyay cabashadii ay qabeen. inta yar ee hartayna waxaa qorshuhu yahay in isla maanta la xalliyo”.ayuu qoraalkiisa ku yiri Yusuf Garaad.

Wuxuuna sii raaciyay “Howl wanaagsan waxaa qabatay Danjiraha iyo Diblomaasiyiinta Soomaalida ee Khartoum, Mahadi ha ka gaarto, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Danjiraha Qadar ee Khartoum, sii hayaha Safaaradda Qadar ee Muqdisho iyo mas’uuliyiinta dalka Sudan oo xalka qeyb ka ahaa”.

Dhankale wararka laga helayo magaalada Khartoum ee dalkaas ayaa sheegaya in xalay uu geeriyooday mid kamid ah dadkii dhaawacyada qabay ee halkaas la geeyay.

Maalintii Talaadada ayay ahayd markii 23 qof oo qaba dhaawacyo culus oo ka soo gaaray qaraxii Muqdisho ay diyaarad Military oo Qadar leedahay ka dejisay garoon Ciidan oo ay leedahay Sudan.

Dowladda Qadar ayaa markii ay dhaawacyada u qaadaysay Sudan sheegtay in ay qabto kharashaadka ku baxaya, iyadoo ka cudur daaratay in ay geyso dalkeeda.

PUNTLAND POST