Dowladda oo ka hadashay Askari la sheegay in uu fuliyay Qaraxii Isgoyska Zoobe

War-saxafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa lagu beeniyay Warar ay baahiyeen Idaacadaha ka howlgala magaalada Muqdisho iyo wargesyadda caalamka.

Taliska ayaa sheegay in Wararka ay baahiyeen Idaacadaha Muqdisho uu yahay mid waxba aan ka Jirin

Halkaan hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka
Warka ay baahiyeen Idaacadaha Muqdisho ka howlgala iyo wargeys laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa ahaa Askari ka tirsanaan Jiray Xoogga Dalka Soomaaliya inuu ku lug lahaa Qaraxii 14-kii Bishaan ka dhacay Muqdisho.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa tilmaamay in Qaraxii ka dhacay Zoobe ay fuliyeen Al-shabaab, balse waxa uu Intaasi ku Daray Ciidamada Xoogga Dalka ay Al-shabaab ku weeraraan gobolada Dalka.

‘’’Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya waxa ay weerar ku qaadaan Goobaha ee Al-shabaab ka Joogaan Gobolada Dalka Soomaaliya waxaan fulinaa howlgalo aan ku dilno ciidamo iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab” ayaa lagu Yiri War-saxafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka’’

Taliska Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Sidoo kale sheegay in ay leeyihiin Afhayeen u hadla Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya kaa soo ka hadlay howlgalada Ciidamada ay fuliyaan iyo Xaalada adag ee soo Wajaha Ciidamada Xoogga Dalka.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan ay bilaawi doonaan Howlgal Al-shabaab lagu weerari doono goobaha ay Joogaan.

PUNTLAND POST