Degdeg:-Puntland oo fashilisay qarax lasoo dhigay Suuqa ugu weyn Bosaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Bosaso ayaa sheegaya inay fashiliyeen goordhawayd ciidamada Amaanka PUNTLAND ee PSF, qarax 100 Kg kaweyn oo lasoo dhigay suuqa ugu weyn magaalada BOSASO,Isgoyska Caanaha abaaro 6 galabnimo sida uu u xaqiijiyay PUNTLAND POST sarkaal ka tirsan ciidanka la dagaalanka Argagixisada PUNTLAND (PSF)..
 
Nooca qaraxa ayuu ku matalay inuu la mid yahay qaraxyo waaweyn oo hadda ka hor ciidamada Amaanku ku qabteen Kantaroolka magaalada Bosaso.
 
Ciidamada ayaa weli ku hareersan goobta qaraxa lasoo dhigay, waxaana laga fogeeyay dhamaan dadkii ka agdhawaa, Iyadoona lagu hawlan yahay sidii loogu guulaysan lahaa.
 
Kala soco wixii faahfaahin ah PUNTLAND POST