Xukuumadda Puntland oo siidaysay siyaasiyiin u xirnaa (Xog)

Booliiska degmada Garoowe ayaa 13 bishaan October xabsiga dhigay 4 kamid ah siyaasiyiin la baxay”Madasha Samata-bixinta Puntland”,kuwaasoo marar badan dhaliilay xukuumadda Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) oo ay ku eedeeyeen in ay gebi ahaanba ku fashilantay shaqadii loo xil saaray.

Afarta nin ee la xiray,waxay kala ahaayen;Daahir Cabdulqaadir Muuse oo horay uga tirsanaan jiray Baarlamankii KMG ahaa ee Soomaaliya,Duni Maxammed Guuleeto,Faysal faarax cali iyo agaasimihi hore ee hay’adda la-dagaallanka AIDS-ka puntland ee PAC,Cabdiraxmaan Siciid Maxammuud(Dhego-weyne) oo sidoo kalena soo noqday wasiirkii caafimaadka xukuumaddii Cadde Muuse.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Maxammed(Faro-weyne)oo jimcihii Saxaafadda la hadlay ayaa nimanka la xiray ku eedeeyay in ay amniga khal-khalinayeen,wuxuuna sheegay in maxkamad la horgeyn doono.

“waxay sameeyeen waxaan Dastuurka waafaqsaneyn oo ay ku sheegeen madal,Dastuurkana meel ay madal kaga qorantahay ma jirto.Cid kasta oo Dastuurka hareer martana sidaasi ayey denbile ku tahay waana la qabanayaa”,ayuu yiri faro-weyne.Wuxuu sheegay in Guddiga Nabad-gelyada gobolka Nugaal ay bixiyeen amarka lagu xiray raggaasi.

Taliyaha qaybta Booliiska gobolka Nugaal G/Sare Faarax Cabdiraxmaan warsame(Galan-goolli) oo sabtidii 14 October shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe,ayaa sheegay in siyaasiyiintaasi ku xad gudbeen Dastuurka iyo Nidaamka Puntland,inkastoo uusan si cad u xusin qodobada ay jebiyeen ee Dastuurka.

“Waxaa la ogolyahay in si sharci ah loo hadlo,maaha in wixii doona la sheego,marka waxaan rabnaa in sifo sharci ah dadku u hadlaan oo xisbiyo la furto,laakiin in la yiraahdo Puntland baan samata-bixinaynaa oo shirar la iska qabto ma aqbalaynno.Puntland waa badbaadsantahay ma jirto cid laga badbaadinayo” ,ayuu yiri Galan-goolli.

Maalin kadib, siyaasiyiinta la xiray ayaa loo qaaday xabsiga magaalada Boosaaso,waxayna halkaasi ku xirnaayeen muddo 5 beri ah,iyagoo aan wax maxkmad ah la geyn,balse madaxweynaha Puntland ayaa Arbacadii maanta amray in la sii daayo,sida aan xogta ku helnay.

Afarta nin ee laga siidaayey Xabsiga Boosaaso,ayaa dhammaantood caawo dib loogu soo celiyey caasimadda Garoowe,waxaana digniin lagu siiyey in aanay mar dambe shirar siyaasadeed qaban(Xog).

Dhinaca kale Daahir Cabdulqaadir Muuse(Daahir Ciiro) oo kamid ahaa siyaasiyiintaasi la xiray ayaa PUNTLANDPOST u sheegay in dhammaantood ay si xun u jirdileen ciidanka Booliiska magaalada Garoowe,muddadii koobneyd ee ay ku jireen xabsiga dhexe ee degmada Garoowe,balse saraakiisha Booliiska gobolka Nugaal oo aan wax ka weydiinay eedayntaasi,ayaa dhankooda beeniyey in ay jir dil geysteen.

9 bishii September ee sannadkaaan,amar ay soo saartay wasaaraddda Amniga Puntland ayaa lagu mamnuucay shirarka siyaasadeed ee lagu dhaliilayo xukuumadda Puntland,sidoo kalena waxaa digniin loo diray ganacsatada Huteellada iyo goobaha shirarka lagu qabto.

“Iyadoo maalmahan la qabanaayey shirar qarsoodi ah oo lid ku ah xasiloonida iyo nabadgelyada shacabka Puntland, waxaa la farayaa dhammaan laamaha ay warqaddani sida tooska ah ugu socoto in aan la qaban karin wax shir siyaasadeed ah oo lagu khalkhal gelinaayo amniga iyo xasilinta Puntland”,ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda Amniga Puntland.

Xukuumadda Puntland ayaa sannadihii ugu dambeeyey lagu eedaynayey in ay cabburin ku hayso siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo saxaafadda,xilli uu mudda-xileedkeeda ka haray, sannad iyo labo bilood,islamarkaana uu daacay gayraha doorashada 2019.

Maxaa ku khasbay Gaas in uu siidaayo siyaasiyiintaan?

Xogta ay helayso PUNTLAND POST ayaa tilmaamaysa in la-taliyaasha sare ee madaxweyne Gaas ay u soo jeediyeen in uu xabsiga ka siidaayo raggaan,si looga hortago muran siyaasadeed oo arrintaan ka dhasha,taasoo keentay in la fasaxo iyagoo aan wax maxkamad ah la geyn.

Madaxweyne Gaas ayaa dhowaanahan Boosaaso ku sugnaa,halkaasi oo uu ku demiyey kacdoon siyaasadaysan oo xukuumaddiisa ka horjeeday,waxaana la filayaa in uu maalinta jimcaha  soo gaaro degmada Qardho ee gobolka Karkaar.

PUNTLANDOST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar