Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo geeriyooday

Waxaa goordhaweyd geeriyooday Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo ka tirsanaa mudanayaasha Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaankan ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaala dalka Hindiya.

Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin ayaa ku jiray Isbitaal ku yaala Dalka Hindia isagoo ku xanuusanayay halkaasi waxaana lagu sameeyay dhawaan qaliin.

Allaha u Naxariistee Xildhibaanka ayaa Xalay galinkii dambe ku dhintay Isbitaalkaan ku yaal Dalka Hindia.

Faah Faahinta dib kala soco insha allah