Shacabka Dongoroyo oo ka banaanbaxay musiibaddii ka dhacdey Muqdisho

Maanta waxaa ka dhacay degmada Dongoroyo ee Gobolka Nugaal banaanbax shacabka iyo maamulku ku cambeereeyeen dhacdadii 14 October 2017 ka dhacay deegaanka Zoope ee magaalada Muqdisho, waxaan ka qeybgalay banaan baxaan masuuliyiinta Degmada Dongoroyo, Ardeyda iyo Shacabka ku nool magaalada.

Gudoomiyaha Degmada Dongoroyo ayaa kaga dhawaaqay banaan baxa olole gurmad qaran ah oo qeyb ka noqonaysa Gurmadka ka socda Gobolka Nugaal si ay qeyb uga noqdaan taakulada loo fidinayo wuxuuna ku baaqay miyi iyo magaalaba inay dadku ka qeybgalaan taakuladaan.

Xogyaha Degmada Dongoroyo Cabdulqaadir Abshir ayaa uga waramay warbaahinta PUNTLAND POST banaanbaxa maanta ka dhacay Degmada Dongoroyo .

Haddaba hoos ka dhagayso

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST