Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Dibu-dhiska iyo Horumarinta

Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lagu magacaabay Xeer Madaxweyne Lr-122 October, 18, 2017 Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dibu-dhiska iyo Horumarinta Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay:                      Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu arkay:                      Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo.

Markuu Tixgeliyey:              Baahida loo qabo in la magacaabo Wasiir Ku-xigeenka                                                                     Wasaaradda Dibu-dhiska iyo Horumarinta Puntland.

 

Wuxuu Xeeriyey:                                               

  1. Waxaa Abshir Cabdullaahi Maxamed loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dibu-dhiska iyo Horumarinta Puntland.

 

  1. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

 

 

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.