Gurmadka Dowlada Puntland dirtey oo gaarey magaalada Muqdisho

Dowladda Puntland ayaa maanta gaarsiisay magaalada Muqdisho diyaarad sida gurmad daawo iyo dhakhaatiir saaka looga direy magaalada Garowe, waxaana kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho masuuliyiin ka tirsan Dowlada Somalia oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Cabdi Saed (Juxa).

Wasiirka Caafimaadka Dowlada Puntland ayaa hogaaminay wafdiga la socda dawado gaaraysa 4 Tan iyo 10 qof oo isugu jira dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal caafimaad oo xukuumadda Puntland u dirtay Muqdisho ayaa sheegay in tani qeyb ka ahayd Ballan qaad uu dhawaan sameeyay Madaxweyne Gaas.

Wasiir Cabdinaasir Cuuke ayaa tilmaamay in kaalmadan ay tahay mid hordhac islamarkaana ay jiri doonaan kaalmooyin lacageed oo dowladda iyo shacabka Puntland kaga qayb qaadanayaan dhibaatadii Zoobe.

Saraakiisha dowladda Puntland ayaa sheegay inay ka xunyihiin masiibadii ka dhacday Zoobe iyagoo tacsi u diray umadda Soomaaliyeed islamarkaana qaraxaas ku sifeeyay mid waxashnimo ahaa oo lagu dhibaateeyay maato aan waxba galabsan.

Deeqda Puntland ay u dirty Muqdisho, ayaa kamid noqonaysa kaalmooyin horey loo geeyay oo ka yimid dalalka Caalamka.

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST