Dowladda Ethiopia oo khilaaf cusub horseedday

Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in ay koronto ka dhalinayso biyo-xireenka ugu weyn qaaradda Afrika eeThe grand dam ,kaasoo dhismihiisa uu ka dhashay muran saddex-geesood ah oo u dhexeeya dalalka Ethiopia,Masar iyo Sudan.

Qoraal uu soo saaray Madaxa Golaha Qaranka ee isku-dubbaridka iyo ka qayb qaadashada dhismaha biyo-xireenka  The grand dam, Debretsion Gebremichael oo ay baahisay Wakaaladda Wararka Dalkaasi Ethiopian News Agency,ayaa lagu shaaciyey in dhismaha biyo-xireenka oo ay ka hartay 38% iyo korontada laga dhalinayo ay is-barbar socon doonaan.

Bayaaanka ayaa lagu sheegay in ay socdaan dhaqdhaqaaqyo biyo looga buuxinayo halka korontada laga dhalinayo,sidoo kalena enjineerada hawsha qabanaya ayaa shaqeynaya habeen iyo maalin,si loo de dejiyo dhismaha biyo-xireenka iyo korontada laga dhalinayo labadaba.

Sidoo kale shirkadaha iyo ganacsatada Ethiopia ayaa ka qayb qaadanaya kharashka lagu dhisayo,taasoo muujinaysa”astaan midnimo,iskaashi iyo in ay ka go’antahay bulshada Ethiopia jeclaanta calanka”,sida laga soo xigtay Gebremichael.

Dhismaha biyo-xireenka oo bishii April ee sannadkii 2011 ka bilowday degmada Guba ee ku taalla xadka dalka Sudan,islamarkaana 980 KM u jirta caasimadda Addis ababa,ayaa noqonaya kii ugu weyna ee laga hirgeliyo qaaradda Afrika,waxaana ku baxaya in ka badan $ 4 bilyan oo Dollar.

Markii laga hirgeliyo mashruuca koronto,waxaa la filayaa in uu soo saaro 6450 MW(lix kun afar boqol iyo konton Mega watt)oo koronto ah,iyadoo muggiisa lagu qiyaasay 74 kun oo(mitir saddex jibbaaran)waxaana la’ dhammaystiri  doonaa bisha June ee sannadka 2018,sida qoraalka lag caddeeyey.

Hadalka Ethiopia ayaa ku soo beegmay,xilli Arbacada maanta ah uu magaalada Addis ababa shir uga socdo wasiirada biyaha ee dalalka Ethiopia,Masar,iyo Sudan,kuwaasoo ka doodaya muranka ka dhashay dhsimaha biyo-xireenka,kadib markii dowladda Masar sheegtay in ay aad uga walaacsantahay biyo-xireenka laga dhisayo webiga Nile ee nolosha dalkaasi ku tiirsantahay.

Bishii April ee sannadkaan saddexda dal ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Qaahira,waxay ku go’aamiyeen “in si is le’eg loo wadaago biyaha webiga”,islamarkaana guddi qiimayn ah loo saaro muranka ka dhashay biyo-xireenka oo Ethiopia looga yaqaanno”Grand “,halka dalka Masar looga yaqaan”Al-Nahda”.

Dowladda Masar ayaa sannad kasta isticmaasha 55 bilyan(mitir saddex jibaaran) oo biyaha webiga Nile ah,waxayna ka cabsi qabtaa in biyo-xireenkaan uu yareeyo saamigeeda webiga.

 

PUNTLANDPOST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar