Dib u dhac ku yimid kulankii ay Xildhibaanada Golaha Shacabku yeelan lahaayeen

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Prof. Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in maanta uu baaqday kulan ay ku yeelan lahaayeen xildhibaannadu xaruntooda Muqdisho.

Prof. Jawaari ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay maanta dhigayaan bannaan-bax ay ugu duceynayaan Dadkii ku dhintay Qaraxii Muqdisho, sidaa darteed Golaha Shacabka ay la Qaybsanayaan Murugtaas kulankiina la baajiyay.

Sidoo kale, Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia ayaa ka qayb-gali doono Bannaan-baxa kaasoo ka dhici doono meelo ka mid ah Muqdisho. Waxaana ka qayb-geli doona qaybaha kala duwan ee Muqdisho.

Dhanka kale, Kumannaan shacab ah ayaa ka qayb-geli doona bannaan-bax duco ah oo loo sameynaayo dadkii Shacabkii ahaa lagu dhameeyay Qaraxii Zope ee dhacay 14-kii bishaan lagu jiro.

Ugu dambeyn, waxaa la fasaxay dhamaan iskuullada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Jaamacadaha, si dibadbaxan looga qayb-galo, waxaana tani ay qayb ka tahay baroor-diiqdii ay Dowladdu ku dhawaaqday.

PUNTLAND POST