Banaan-bax looga soo horjeedo qaraxii Soobe iyo Al-shabaab oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Bannaanbaxyo looga soo horjeedo Qaraxii dhawaan ka dhacay isgoyska Zope ee Muqdisho ayaa maanta ka socda Muqdisho iyo qaar ka mid ah degmooyinka Somalia, waxaana dibad-baxyadaan ka qayb-galaya kumannaan qof oo Soomaali ah.

Dibadbaxa ka socda Muqdisho ayaa waxaa ka qayb-galaya boqolaal qof oo ka kala socda degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaasoo boorar ay uga soo horjeedaan qaraxii foosha xumaa ee Muqdisho ka dhacay, kaasoo ay ku naf waayeen in ka badan 300-qof.

Shacabka bannaan-baxan ka qayb-galaya ayaa sidoo kale ku dhawaaqayay erayo ay ka id ahaayeen; ‘Dooni mayno Al-shabaab’ ‘Dooni Mayno Dhiigyo cab’ iyo erayo kale oo dareen leh.

Dhanka kale, Magaalooyinka Baydhabo, Garba-haarey, Dhuusa-mareeb iyo kuwo kale ayaa waxaa iyaguna ka socda dibadbaxyo kale oo iyagana looga so horjeedo Qaraxii xasuuqa badan geystay ee 14-kii bishaan Oktoobar ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyka KM5 ee Zope.

Bannaan-baxa ka socda magaalooyinka ka kala tirsan maamul-gobleedyada dalka ayaa waxaa ka qayb-galaya mas’uuliyiin ka tirsan Maamullada, iyadoo shacabku ay ku dhawaaqayaan erayo ay ku muujinayaan sida xanuunkii ka dhashay Qaraxaas ay u dareemayaan.

Dadweynaha bannaan-baxyada dhigaya ayaa waxaa wajiyaada ugu xirnaa maro guduudan, kuwaasoo ay ku muujinayaan dareenkooda xanuunka leh ee ka dhashay Qaraxii dhibaatada badan dhaliyay ee Muqdisho ka dhacay.

Ugu dambeyn, Bannaan-baxa Maanta ka socda Caasimadda Somalia ayaa ku soo beegmaya iyadoo shalay guddoomiyaha gobolka Banaadir uu shaciyay in la qaban doono dibadbax looga horjeedo Al-shabaab iyo Qaraxii Zope ee ay ka dhasheen khasaarooyin faraha badan.

PUNTLAND POST