Wasiirka Caafimaadka Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxaa goordhow soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Caafimaadka dalka Turkiga Ahmet Demircan.

Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa kamid ah Dhaqaatiir ka socoto dowlada Turkiga iyaga oo wada qalab caafimaad iyo daawo ka timid dowlada wadanka Turkiga.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Wasiirka caafimaadka Turkiga oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha Turkiga uu ka sido salaan iyo tacsi islamarkaana guud ahaan dadka Turkiga ah ay la xanuunsanayaan walaalahooda Soomaaliyeed.

Dowladda Turkiga ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee ka soo jawaaba codsiga dowladda Soomaaliya u jeedisay oo ahaa in gurmad lala soo gaaro dadka dhaawacyada ka soo gaareen qraxii ka dhacay isgoyska mashquulka badan ee Zoobe ee Magaalada muqdisho.

Dhanka kale Waxaa goordhow Garoonka Muqdisho laga qaaday Dhaawacyada dadkii halista ahaa, kuwaas oo loo qaaday dalka Turkiga.

Faah Faahinta dib kala soco Insha allah 

Xasan Maxamed Samatar Cowke

PUNTLAND POST MUQDISHO