Madaxweynaha Jubbaland oo booqday goobaha Waxbarashada Kismaayo

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo booqday goobaha Waxbarashada Kismaayo kuna baaqay isbadal lagu sameeyo manhajka waxbarashada Dalka.

Kismaayo, Oct, 16, 2017 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa saaka booqday qaar kamid ah goobaha Waxbarashada Magaalada Kismaayo.

Madaxweynahu wuxuu tagay Iskuulada Jubba iyo Faanoole ee Magaalada Kismaayo oo ay dhigtaan boqolaal Arday ah.

Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu ardayda dhigata labadan iskuul u jeediyay qudbad uu ku dhiiri galinayay waxbarashada iyo ahmiyada ay ubadka soo koraya u leedahay isagoo sheegay in wax laga badalayo manhajka ay hada dhigtaan isla markana la samaynayo mid Cusub oo dhaqanka iyo habraaca Soomaalida ku salaysan.

“Manhajka aad hada wax ku barataan inkasto uu yahay mid duruufo adag aan kaga soo gudubnay hadana waxaan ku tala jiraa in mid ka fiican oo dhaqankeena iyo habraaceena nololeed ka turjumaya aan ku badalo oo sanadaha danbe aan hirgalino” ayuu yiri Madaxweynahu.

Dhamaan dhinacyada ay qusayso ayuu sheegay in ay la kaashan doonan sidii manhaj sax ah looga hirgalin lahaa Soomaaliya oo dhan isla markana meesha looga saari lahaa manhajyada meelaha kale laga soo min guuriyay oo mararka qaar aan lagu dabaqi Karin hab Nololeedka Bulshada.

Dadaalka la xiriira hormarinta Tacliinta ayuu Madaxweynahu xusay in ay dardar galinayaan ahmiyada koowbaadna ay Xukuumadiisu siin doonto si Mustaqbalku mid Wanaagsan oo faaӒido leh uu u noqdo.

Waxaa uu sheegay in ay jiraan deeqo dalka dibadiisa oo dhinaca waxbarashada ah isla markana ay ka faa’iidaysan doonan Ardayda ka baxday Dugsiyada Sare.

Faafintii Puntland Post