Garowe:-Shirka wadatashiga maareynta dhulka magaalooyinka Puntland

Waxaa maanta lagu qabtey magaalada Garowe shir ku saabsan habka maareynta dhulka magaalooyinka Puntland, waxaana ka qeybgalay Madaxda Wasaarada Hawlaha Guud,Guryeynta iyo Gadiidka,Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Wasaaradda Deegaanka,Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Haweenka,Masuuliyiin ka socda Dowladaha hoose iyo Madax ka socota Hay,adda UNHABITAT iyo UNDP.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gadiidka Dowlada Puntland oo ka warbixiyay ujeedada kulanka ayaa sheegay inuu daba socdo shirar  taxane ahaa oo mudooyinkii u dambeeyay lagu dejinayay habka nidaaminta magaalooyinka Puntland.

Wuxuu sheegay Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Shan Wasaaradood oo ka tirsan Dowlada Puntland oo kaashanaya Hay,addaha UNHABITAT iyo UNDP  inay ku hawlanaayeen in muddo ah sidii loo heli lahaa xeer magaalooyinka lagu maamulo oo la socda habka casriga ah oo maanta lagu dabakhi karo dunida.

Sarkaal ka tirsan Hay,adda UNHABITAT ayaa sheegay khilaafka ka taagan dhulka inuu ka mid yahay baahiyaha ugu waaweyn oo ka muuqda dalka, wuxuuna sheegay qorshe arrintaas ku saabsan ay markii ugu horeysay sanadkii 2010-kii Hay,adda UNHABITAT kala hadashay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose sidii loo dhamaystiri lahaa loona dhaqangalin lahaa sharci qabyo qoraal ah oo la diyaariyay 2003-dii balse soo marey marxalado iyo xilliyo kala duwan kaasoo aan weli lagu guulaysan inuu shaqeeyo.

DAAWO SHIRKA.

Wuxuu sheegay intaas ka dib UNHABITAT inay bilowday sidey arrintan isaga kaashan lahaayeen Wasaaradda Hawlaha Guud,Guryeynta iyo Gadiidka Puntland,Islamarkaana ay sameeyeen xafiiska xoghaynta dhulka, Isagoona sheegay inay wasaaradda ka caawiyeen uruurinta Ducumentiyaddii dhulka Soomaaliya iyo Ducumentiyadda dalalka dhawdhaw, kuwaas oo uu sheegay dhamaantood in lagu guulaystey.

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gadiidka Dowlada Puntland Cabdiraxmaan Barkhad Ciise ayaa ugu yeeray khilaafyada ka jira dhulka mid ka mid ah Feyras-yadda Caalamka gaar ahaan kuwa saameeyay Afrika iyo Guud ahaan dalka Somalia, wuxuuna ka codsadey Wasaaradaha ku hawlan arrintan iyo Hay,addaha ka gacansiinaya inay soo dedejiyaan sharcigaan oo uu sheegay Baarlamanka iyo Xukuumaddu inay  u diyaarsan yihiin meelmarintiisa.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST