Dhaawacyadii halista ahaa ee qarixii Muqdisho oo loo qaaday Turkiga

iyada oo maanta magaalada Muqdisho uu soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Wasirka Caafimaadka Dalka Turkiga ayaa waxaa dalkaasi Turkiga loo qaaday dhaawacyada dadkii halisya ahaa ee qaraxaasi ku dhaawacmay.

Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ee waxaa ka soo dagatay laba diyaarad oo ah nooca Malatariga ee xamuulka qaada ah oo laga leeyahay dalka Turkiga.

Waxaana  ay qaaday 40 dhaawac oo ah dadkii qabay dhaawacyada halista ah ee dalka wax looga qaban waayay.

Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb qaadanayay daabulida dadka dhaawacyada qaba oo saaka gawaari Ambalaas looga soo qaaday Isbitaalada kala duwna ee ku yaal Magaalada Muqdisho.

Waxaa xusid mudan in 40 kaasi ruux qof waliba oo dhaawac ah ay la socoto qof kamid ah ehladiisa iyaga oo aan la weeydiinin wax Visa ah.

Hoos ka dhageyso Warbixin wariyaha PP ee Muqdisho uu ka diyaariyay.

Hoos ka Daawo Sawirada.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho