Abuu Mansuur oo Dhiig u shubay Dadka ku dhaawacmay qarixii Muqdisho

Sheekh Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo kamid ahaa hogaamiyaasha Al-Shabaab dhowaana ka soo gooystay Al-shabaab ayaa maanta dhiigiisa u shubay dadkii ku waxyeeloobay qarixii Muqdisho.

Abuu Mansuur oo dhiig u shubaya Dadkii qarixii Muqdisho ku dhaawacmay

Afhayeenkii Hore ee Xarakada Al-shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa isbitaalka Degfeer ee Magaalada Muqdisho ku shubay dhiig uu ugu talagalay in lagu badbaadiyo dadka Musiibada ku dhacday.

Abuu Mansuur ayaa dhanka kale si kooban uga hadlay qaraxaasi waxaana uu sheegay in uu aad uga xunyahay qaraxaasi isaga oo u tacisiyeey dadka qaraxaasi ku dhintay.

Abuu Mansuur ayaa beeniyay warar sheegaya in qaraxaasi ay ka dambeeyso ha’ada Water Black hayeeshee waxa uu si dadban u sheegay in qaraxaasi ay ka dambeeyeen Al-Shabaab.

Sheekh Mukhtaar intuu ka Tirsana  Xarakada Al-shabaabwaxaa Magaaladda muqdisho ka dhacay dilal iyo qaraxyo ay Al-shabaab ay geysteen.

Wali waxaa Muqdisho ka socdo gurmad aan loo kala harin oo ay sameeynayaan shacab iyo masuuliyiin kala duwan.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho