Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqaysa duullaankii ugu ballaarnaa oo lagu qaadayo Al-shabaab(Xog)

Qarax weyn oo ismiidaamin ah ayaa shalay ruxay Caasimadda Soomaaliya ee Mogadishu,waxaana ka dhashay khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawac faro-badan leh iyo burbur hantiyeed oo aan qiyaas lahayn.

In ka badan laba boqol oo ruux ayaa ku dhimatay,ku dhowaad saddex boqol oo kalena waa ku dhaawacantay qaraxan ismiidaaminta ah oo lagu tilmaamay kii ugu cuslaa ee Taariikhda lagu qaado caasimadda Soomaaliya ee Mogadishu,sida laga soo xigtay laamaha amniga iyo kooxaha gurmadka deg degga ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxammed cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood o o baroor-diiq Qaran ah,wuxuuna ku baaqay in gurmad loo fidiyo dadka ku wax yeelloobay qaraxan,islamarkaana la booqdo xarumaha caafimaadka si dhiig loogu deeqo dhaawaca ay la ciir-ciirayaan isbitaallada Mogadishu.

“Carruurta, haweenka, dhallinyarada, iyo odoyaasha halkan lagu daawaynayo iyo goobaha kale ee ku waxyeellobay qaraxii argagixisada ahaa waxa ay u baahanyihiin hiilkeenna. Waa in aan dareensiinaa in ay leeyihiin dad iyo dal jecel oo dhibaatada la qaybsanaaya”,ayuu yiri madaxweyne farmaajo.

Weli waxaa la baarayaa burburka dhismayaasha oo la aaminsan yahay in ay dad ku hoos jiraan,waxaana la soo saaray maydad hor leh oo ku dhex malaaysmay guryaha dumay iyo darbiyaasha soo dhacay,kuwaaso qaarkood aan ilaa iyo haatan la aqoonsan.

Kumanaan shacabk ah oo murugaysan ayaa Axadda maanta ah buuxiyey waddooyinka waaweyn ee Mogadishu,kuwaasoo ay saamaysay musiibadii ka dhalatay qaraxii shalay,waxaana dadkaasi ku jira qaar baadi-goob ugu jira eheladoodii oo ay la’yihiin raq iyo ruux midna.

Dhinaca kale dowladda Qadar ayaa shaacisay in Safaaradeedii magaalada Mogadishu ay ku burburtay qaraxii shalay.Bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha Debadda Qadar ayaa lagu sheegay in burbur laxaad leh soo gaaray dhismaha safaaradda,islamarkaan ay ku dhaawacmeen qaar kamid ah shaqaalaheeda.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan,inkastoo dowladda Soomaaliya ku eedaysay ururka Al-shabaab ee dagaalka xooggan kala horjeeda ciidanka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga dalka.

Qaramada Midoobay,Midowga Afrika,Jaamacadda Carabta,midoowga Yurub iyo dowladda Maraykanka ayaa si kulul u cambaareeyey qaraxa,waxayna ku tilmaameen”fal bahalnimo ah oo loogu talo-galay in lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed. Waxay sheegeen in ay garab taagan yihiin xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale bannaan-bax ballaaran oo lagu cambaareynayo qaraxa,ayaa maanta  lagu qabtay taallada Daljirka daahsoon ee degmada Boondheere ee gobolka Banaadir,halkaasoo guddoomiyaha gobolka Taabit Cabdi Maxammed uu hadal uga jeediyey kumanaan ilmaynaya oo ka horjeeda waxay ku tilmaameen”nabad-diidka”.

Dowladda Turkiga oo kamid ah dalalka sida weyn u taageera Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay diyaarad gargaar ah soo dirayso,si loo caawiyo dadka ku wax yeelloobay qaraxa,sida lagu baahiyey jaraaa’idka dalkaasi.

Duullaankii ugu weynaa.

Dowladda Soomaaliya ayaa qorshaynaysa duullaankii ugu weynaa ee ka dhan ah Al-shabaab,kaasoo looga fal-celinayo qaraxii shalay oo mas’uuliyiinta ugu sarraysa xukuumadda Soomaaliya ay ku eedeeyeen Al-shabaab,waxaana madaxweyne farmaajo kulan deg deg ah isugu yeeri doonaa taliyaasha ciidanka,ka hor intaan lagu dhawaaqin dullaanka ,sida uu PUNTLANDPOST u dusiyey sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya,kaasoo diiday in magaciisa la xigto.

sarkaalka ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu taliyaasha ciidanka kala hadli doono sida loo dejinayo qorshaha dagaalkaas cusub ee lagu qaadayo Al-shabaab,iyo magaca ugu habboon ee loo bixin karo.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in dowladda Soomaaliya ku dhawaaqdo dullaankaasi,waxaana soo baxaya warar hoose oo sheegaya in diyaaradaha dagaalka Maraykanka ay ka qayb qaadan doonaan,inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin warkaasi.

 

PUNTLANDPOST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar