Puntland oo Dekadda Bosaso ku soo bandhigatay Raashin dhacay

Bosaso-[Puntland Post] Xafiiska Tayo Dhowrka ee Baarista Badecadaha soo gala Deegaanada Puntland ee Dekada Magaalada Boosaaso ayaa soo bandhigatay Raashin Waqtigoodii dhaafay oo loogu tala galay in ay Cunaan Xooluhu Waxaana Badeecadan ay u soo degtay mid ka mida Shirkadaha Waawayn ee ka howl gala Puntland.

Raashinkan Waqtigoodu dhaafay ay qabatay Xarunta tayo dhowrka ayaa dhacsanaa mudo ku dhow 8 Bilood waxaa sido kale baritaan lagu sameyay lagu ogaday Ceeshkan inaysan Xoolohu Cuni karin ayna ku waxyelowayaan.

Dekada Boosaaso oo lagu soo bandhigay Raashinkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha qaybta Gobalka Bari Maamulka Gobalka Madaxda Xarunta Tayo Dhowrka, inkastoo goobta iyo Masuuliyiin kale.

Salaad Maxamuud Aadan oo ka mida Madaxda ugu Sareysa Xarunta Tayo Dhowrka oo ugu horan ka hadlay goobta waxa uu sharaxaad ka bixiyey qaabka ay Raashinkan u qabteen iyo baritaanke mariyeen.

‘’Anagoo la dagalamayna badeecadaha dhaca ee dalka la soo galiyo waxanu sameynay baritaan dheer si aanu ugu hortagno waxkasta dhib ku ah umadda reer Puntland .

Waxanu gacanta ku dhiganay 700 qol oo kiish oo ah calafka ay xooluhu cunaan ku was oo wakhigii la istcmali lahaa dhaafaya

Waxanu gaynay laabka baritaanka si anu u sii hubno waxana laga helaya maado sun ah oo aysan cuni Karin xooluhu .Anagu hadii anu nahaya gudiga xarunta Tayo Dhawrka Puntland waxanu bixinaa labo shahaado oo kala ah shahaado ah mid anu anagu Aqbalnay in waxan la cuni karo ama mid ah in waxan wakhtigiisu dhacaya Sidaas darteed markanu argany in calafkani dhacay maado sun ahan ay ku jirto waxanu soo sarnay shahaado ah ina aan la isticmaali Karin Sidaas waxa yiri Gudoomiyaha Gudiga Tayo Dhawrka Puntland Salaad Maxamuud  Aadan .’’

Taliyaha Qaybta Gobalka Bari Cabdixakiin Xussen Yuusuf Ayaa Digniin U Diray Ganacsatada Keensata Badecadaha Waqtigoodu Dhaafeen waxana uu sheegay in shrciga lala tiigsan  doono  cid kasta oo ku hawlan soo galinta raashinka dhaca Puntland.

Gudomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Gobalka Bari Axmed Xaaji Maxamuud Waxa Uu Shegay Inay Ka Hortagayaan Dadka Raba Inay Dalka Soo Galiyaan Badeecad Waqtgeedu Dhaaftay.

Waxay Noqonaysaa Markii Ugu Horaysay Oo Puntland Lagu Soo Bandhigo Badeecad Waqtigeedu Dhaaftay Waxaana Howsha Fulinteeda Lahayn Xarunta Tayo Dhowrka Ama Kuwaalati Kantaroon Oo Dekada Boosaso.

Daawo Muuqalka Raashinka dhacay iyo Masuuliyiinta ka hadlay

Cabdiqani Boos 

Puntland Post-Bosaso