Daacish oo looga adkaaaday dagaalka magaalada Raqqa ee Dalka Syria.

Is-bahaysiga Caalamiga ah ee uu hoggaamiyo maraykanka ee la dagaallamaya ISIS ayaa shaaciyey in ku dhowaad 100 xubnood oo ka tirsan Daacish si nabad ah looga saaray magaalada Raqqa ee waqooyi bari dalka Syria,kadib heshiis lala galay dagaallamaayashoodii ku go’doonsanaa degmadaasi oo ay inta badan la wareegeen Is-bahaysiga Maraykanka.

Heshiiska ayaa dhigaya”In dhammaan dagaallamayaasha Daacish iyo qoysaskooda ku go’doonsan degmada Raqqa aan wax dhib ah loo gaysan,islamarkaana ay ka baxaan magaalada”,waxaana 24 saac ee la soo dhaafay halkaasi laga saaray ku dhowaad xubnood oo ka tirsan Daacish,sida lagu yiri bayaan ka soo baxay Is-bahaysiga Maraykanka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in heshiiskaan looga golleeyahay sidii loo yarayn lahaa khasaaraha gaaraya dadka rayidka ah ee ku sugan magaalada Raqqa ee inteeda badan ay qabsadeen Ciidanka Demoquraaddiga ah ee Syria(SDF) oo taageero ka helaya Is-bahaysiga maraykamka.

Kolonyo gaadiid ah oo ay saaran yihiin dagaallamayaasha Daacish oo ka baxay Raqqa ayaa gaaray degaannada ay weli ku xooggan yihiin Daacish ee waqooyi bari dalka Syria,sida ay sheegeen goobjoogayaal,inkastoo aan la xaqiijin karin tirada rasmiga ah ee ka baxday.

Wakaaladda Wararka Reuters ayaa ka soo xigatay xubin kamid ah Golaha Rayidka degmada Raqqa Omar Alloush”in odoyaasha degaanka iyo nabadoonnada beelaha ay dhex-dhexaadiyeen heshiiska,si loo yareeyo khasaaraha rayidka soo gaaraya inkastoo aan dagaallamayaasha ajaanibta ah qayb ka ahayn heshiiska”.

Alloush ayaa sheegay in dagaallamayaasha ajaanibta ah ay gabbaad ahaan u haystaan tiro badan oo rayid ah,si ay ugu khasbaan ciidamada Is-bahaysiga in ay ka joojiyaan duqaynta xooggan ee ku socota,balse lama hayo faahfaahin ku saabsan tirada rayid ka ee ku go’doonsan halkaasi.

Af-hayeenka is-bahaysiga Maraylanka Korneyl. Ryan Dillon ayaa dhinaca kale xaqiijiyey in xubnaha heshiiska ku baxay aanay ku jirin kuwa ajaanibta ah ee debadda uga yimid Daacish,wuxuuna yiri”Weli waxaan filaynaa dagaal adag oo maalmaha soo socda aan la galno dagaallamayaasha ajaanibta ah ee aan heshiiska ku jirin,kuwaasoo ku go’doonsan xaafado ku yaalla degmada Raqqa”.

Hay’adaha Gargaarka ayaa dhankooda sheegaya in xaalad adag haysato dadka rayidka ah ee ku sugan xaafadaha go’doonsan ee magaalada Raqqa,waxayna ka digeen in dagaalka oo sii socdaa uga darayo nolosha rayidka ee awalba khatarta ku jirtay.

Is-bahaysiga ayaa ku dhawaaqay in 90% ay gacanta ku hayaan magaalada Raqqa oo ay kula dagaallamayeen Daacish tan iyo bishii June ee sannadkaan,xilligaasi oo ay iclaamiyeen guluf weyn oo ka dhan ah waxa loogu yeero”khilaafada Islaamka”.

Raqqa waxay ku taalla Waqooyi bari Syria. Caasimadda dalkaasi waxay u jirtaa 500km.Waa magaalo is-tiraatiiji ah.Daacish ayaa ku dhawaaqday in ay tahay caasimadooda labaad ee ku taalla Shaam,kadib markii ay la wareegeen dhul weyn oo ka tirsan dalalka Iraq iyo Syria sannadkii 2014.

waxay hadda u muqataa in ay ka baxday gacanta ISIS,waana guul taarikhi ah oo laga gaaray dagaalka Daacish sida ay sheegayaan khubarada dhanka dagaalka,iyadoo dhowaan Daacish laga qabsaday caasimadoodii kuwood ee Mosul.

Laakiin dadka ka faallooda ururada xagjirka ah ayaa ka cabsi qaba in haddii gebi ahaanba laga adkaado Daacish ay suurto-gel tahay in urur ka sii xun soo baxo,iyadoo inta la ogyahay taariikhda xagjirka,markii la jebiyo ay soo baxaan kuwo ka sii daran qolodii hore.

 

PUNTLANDPOST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar