Puntland oo maanta gubtay 600 Malyan oo shilin Soomali ah

Bosaso-[Puntland Post]-Wasarada Maaliyada Puntland ayaa maanta wax ay magaalada Boosaso ee xarunta gobalka Bari,ku gubtay lacag shilin soomali ah oo faaliso ah taas oo ay dhawaan gacanta ku dhigeen Ciidamada kantaroolka Boosaso xili la rabay in si qarsoodi ah loo soo galiyo gudaha Magaalada.

Gubista lacagtan faalisada ah waxa goob jog ka ahaa Wasiirka Maaliyada Puntland Maamulka gobalka iyo madax ka socta Bangiga Puntland iyo Masuuliyiin kale.

Lacgtan oo qadar keedu dhan yahay  600,500,000[lix boqol oo malyan iyo shan boqol oo kun] sida ay sheegeen Masuuliyiinta Bangiga waxa lacagtan ay ka timid gobalada koonfureed ee soomaliya.

 

Cabdiqani Boos 

Puntland Post-Bosaso