RW KHEYRE “Qofna lagama ogolaanayo dhaliil dalka lagu duminayo “

Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xalay qudbad u muuqatay in uu ku weerarayo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada dalka ka jeediyay xaflad lagu xusayay 12 Octobar oo ku beegan sanad guuradii aas aaska calanka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in aan la ogolaan doonin dhaliil dalka lagu dumayo islamarkaasina dowlada ay ka feejigantahay arintaasi.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dowlada aanay ku niyad jabi doonin dadka ka soo horjeedo dowlada Soomaaliya.

“Waa dhamaatay waqtigii la niyad jabi jiray, madaxda idin hor-taagan ma ahan kuwaas, maalmo ayaa la qeylinaya ama buuq siyaasadeed ayaa la furayaa waxaa idin balan-qaadayaa in aan idinla mari doono illaa meesha ugu dambeysa” ayuu yiri Rw Kheyre.

Hoos ka dhageeyso codka Ra’iisul wasaaraha.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho