Mareykanka oo sheegay inay dileen Haweeney Caddaan ah oo ka tirsanayd Ururka Daacish

Muqdisho (PP) ─ Wargeyska The Sun ee kasoo baxa Magaalada London ee xarunta Britain ayaa maanta qoray in haweeney lagu magacaabo Sally Jones iyo wiilkeeda oo 13-jir ah lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha Drones-ka ee uu Maraykanku leeyahay la fuliyeen dalka Suuriya bishii June ee sannadkan.

Haweeneydaas oo Diinta Islaamka qaadatay, waxay kooxda Daacish u qori jirtay Haweenka, waxaana aad u baadi-goobi jirey Booliska Caalamiga iyo Dalal ay Britain iyo Kenya ka mid yihiin.

Warbixinta wargeys ayaa lagu sheegay in sirdoonka Britain iyo kuwa dalka Maraykanka ay is-dhaafsadeen xogta ku aaddan dilkii Sally Jones iyo wiil ay dhashay.

Sidoo kale, Wargeyska The Sun ayaa tabiyay in haweeneydaas iyo wiilkeeda lagu dilay meel ku dhow xuduudka ay Wadaagaan Dalalka Siiriya iyo Ciraaq. Waxaa la sheegay in iyada iyo wiilkeeda la dilay mar ay doonaysay inay ka baxsadaan magaallada Raqah oo ay Kooxda Daacish ku xooggan yihiin.

Madaxda Sirdoonka Maraykanka ayaa sheegeen inaysan 100% xaqiijin karin in la dilay Sally Jones iyo wiilkeeda, maadaama ay adag tahay in dheecaan-kooda Hiddo-sidaha ee DNA laga soo qaado goobtii lagu dilay.

Saraakiisha waxay hadalkooda ku dareen inay ku kalsoon yihiin in ay Sally Jones  iyo wiilkeeda oo la oran jirey Jolo wada-geeriyooteen. Wargeyska The Sun waxaa kaloo uu sheegay in duqeyntaas lagu dilay 15 maleeshiyo ah oo ka tirsanaa kooxda Daacish.

Ugu dambeyn, Wargeyska The Sun ayaa tabiyay in saygeeda oo la oran jirey Junayd Xuseen, kana tirsanaa Kooxda Daacish lagu dilay weerar ay diyaarad Drones ah ka geysatay Dalka Siiriya Sannadkii 2015-kii.

PUNTLAND POST