Madaxweynaha Puntland oo u hambalyeeyey xuska maalinta calanka Somalia.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu hambalyeeyey ummadda Soomaaliyeed meelkastay joogaanba sanad guurada kasoo wareegatey xiligii la aasaasay calanka Soomaaliya 12 October 1954 oo haatan laga joogo  63 sano.

Madaxweyanaha Dawladda Puntland oo dareenka faraxadda xuska maalinta calanka lawadaagaya shacabka Soomaaliyeed ayaa xusay in calanka shacabka Soomaaliyeed dedaal dheer losoo galay samayntiisa, illaalinta sharaftiisa, maamuuskiisa, haybadiisa iyo ilaalinta korayntiisa, isla markaana ay halyeeyo Soomaaliyeed naftooda ku waayeen gaashaankiisa.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Alle ugu baryey  inuu u naxariisto qabrigana u waasiciyo marxuun Maxamed Cawaale Liibaan oo isagu ahaa muwaadinkii Soomaaliyeed ee sameeyey calanka Soomaaliya ee buluugga ah lehna xidigta shanta geesle, waxaana uu Madaxweynuhu marlabaad Alle u waydiinayaa marxuunkaasi iyo intii gacan ka gaysatayba dhidiba utaagidiisa.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Alle uga baryey shacabka Soomaaliyeed meelkastay joogaanba inuu sanadka sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash bash iyo badhaadhe, isla marahaantaana  waxa uu kula dardaarmay adkaynta midnimada, ilaalinta maamuuska calanka iyo qaranimada ummadda Soomaaliyeed.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAARINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.