Wasiirkii Gaashaandhiga Somalia iyo Taliyihii Ciidanka Xoogga oo Goor-dhaw Is-casilay

Muqdisho (PP) ─ Waxaa goor-dhow is-casilay Wasiirka Gaashaandhigga DF C/rashiid C/llaahi Maxamed iyo Taliyihii Millateriga Somalia, Jen. Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid, Waxaana taliyaha lagu bedelay taliye kale oo cusub oo lagu magacaabo, Jen. C/weli Jaamac Xuseen Gorod.

Ilo-wareedyo ku dhaw xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa sheegaya in is-casilaadda Wasiirkii Gaashaandhigga Somalia ay tahay mid shaqsiyadeed, inkastoo aan laga bixin wax faahfaahin ah.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa la sheegay in wasiirka iyo taliyaha uu ka aqbalay is-casilaaddooda, inkastoo aanay jirin cid lagu bedelay xilka wasiirka is-casilay, inkastoo la buuxiyay jagadii uu banneeyay taliyihii ciidamada xoogg dalka.

Dhanka kale, Taliyaha cusub ee loo magacaabay xilka Ciidanka xoogga dalka ayaa wuxuu horay u ahaa duuliye, sidoo kale wuxuu Wasiirka Dekedaha ka noqday Dowladdii uu Hoggaaminayay C/qaasim Salaad Xasan.

Ugu dambeyn, is-casilaadda Taliyaha Ciidamada Xoogga Jen. Cirfiid ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dhawaanahan la hadal hayay is-casilaaddiisa, laakiin is-casilaadda wasiirka gaashaandhigga ayaan noqotay mid fajaciso ah.

Wixii Faahfaahin ah ee kasoo kodha arrintaan waxaad kula socon doontaan wararkeenna soo socda.

PUNTLAND POST