Dagaal u dhaxeeyay Muqtaar Rooboow iyo Al-Shabaab oo ka dhacay Bakaool

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bakool gaar ahaan deegaano dhaca Duleedka magaalada Xudur ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal culus uu ka dhacay Deegaanka Siinaley oo katirsan Gobolkaasi Bakool.

Dagaalkaasi ayaa u dhaxeeyay Ciidamada Muqtaar Rooboow iyo kuwa Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa la sheegay in ay qaadeen Ciidamada Abuu Mansuur waxaana ay ku soo furteen hub farabadan sida ay sheegeen Maamulka Koonfur Galbeed.

Dagaalka ayaa geeystay qasaarooyin isugu jira Dhimasha iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyada halkaasi ku dagaalamay.

Al-Shabaab wali kama hadlin dagaalkaasi lagu qaaday deegaanka siinaley oo ay Al-shabaab maamulaan islamarkaasina ay ku qaadeen ciidamada Wadaadka Abuu Mansuur iyo kuwa Koonfur Galbeed.

Warar ay heshay PUNTLAND POST ayaa waxa ay sheegayaan in Koonfur Galbeed iyo Abuu Mansuur ay ku heshiiyeen in ay qaadaan dagaal balaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post