AKHRISO: Taariikh-nololeedka Taliyaha Cusub ee Ciidamada Xoogga dalka Jen. Gorod

Muqdisho (PP) ─ Taliyaha cusub ee loo magacaabay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, Jen. C/weli Jaamac Xuseen [Gorod] wuxuu ku dhashay Magaalada Muqdisho sannadkii 1950-kii.

Dugisga Hoose iyo Dhexe wuxuu ku qaatay Muqdisho, isagoo arday ka ahaa Iskuulkii Macallin Jaamac, Sidoo kale Dugsiga Sare wuxuu ku qaatay dugsigii Farsamada  Gacanta ee Muqdisho.

Jen. Gorod wuxuu Ciidanka qortay 1966-kii. Wuxuuna tababar u aaday dalka Ruushka sannadkii 1975-kii, isagoo luuqadda Ruushka ka bartay magaalada Furanza ee waddamadii la isku oran jiray Midowgii Sofiyeeti.

Sidoo kale, Sannadku markuu ahaa 1977-kii ayuu duulimaadka diyaaradaha ka bartay Akademiyada Karasnadaar ee dalka Ruushka, halkaasoo uu kasoo qalin-jabiyay sannado kaddib.

Tababarrada iyo waxbarashada kaddib wuxuu kusoo laabtay dalka waxayna darajadiisu ahayd xidigle. Waxaana la geeyey xerada Ciidanka Cirka ee Balli-doogle.

Sannadkii 1980-kii ayuu qaatay Darajada Laba xidigle, Waxaana loo badalay Xeradii Ciidanka Cirka ee Dulleedka Magaalada Kismaayo, halkaas oo uu ku bartay Duulimaadyada Diyaaradaha Xamuulka ee Ciidamada Cirka.

Sannadkii 1984-kii, wuxuu qaatay darajada saddex xidigle, iyadoo xilligaas loo bedelay Magaalada Hargeysa, wuxuuna duulin jiray diyaaradaha ciidanka cirka ee loo yaqaano Biyaajo 160 oo  Talyaanigu sameeyay.

Sannadkii 1988-kii, waxaa lagu soo celiyey xerada Ciidanka Cirka Kismaayo. Saddex bilood kaddibna waxaa loo bedelay Muqdisho, isagoo luuqadaha ka bartay Machadkii OMC oo Xukuumadda Maraykanka ay gacanta ku haysay. Wuxuuna noqday Gaashaanle Sare, waxayna dowladdii millaterigu burburtay isgaoo gaashaanle sare ah, intii burburka lagu jiray ayuuna qaatay darajada Jeneraalnimada.

Jen. C/weli Jaamac Xuseen Gorod wuxuu wasiirkii Dekadaha kasoo noqday dowladdii uu hoggaaminayay C/qaasim Salaad Xasan, isagoo xilkaas hayay mudo laba sannadood ah.

Ugu dambeyn, Jeneraalka ayaa wuxuu dhalay siddeed caruur ah. Waxuuna deggen yahay Magaalada London ee Xarunta dalka Britain.

PUNTLAND POST