Muxuu ahaa ujeedka laga lahaa shirka Kismaayo?

Madaxda 5 maamul goboleed ee Soomaaliya oo 8 bishaan October shir uga furmay magaalada Kismaayo,ayaa maanta soo gebo-gabeeyay shirkoodii,waxayna ka soo saareen war-murtiyeed ka kooban saddex bog, kaasoo ay ku qoron yihiin 16 qodob oo ku saabsan siyaasadda iyo amniga Soomaaliya.

Dhammaan madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa shirkaasi joogay, sida Puntland Cabdiweli Maxammed cali(Gaas),Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf),Jubaland Axmed Maxammed Islaan(Madoobe),K/Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan, iyo Hirshabeelle Maxammed Cabdi Waaare,waxayna dhisteen Gole ay ku midaysan yihiin oo la baxay Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada, kaasoo guddoomiye iyo ku-xigeen loo kala doortay madaxweynayaasha Puntland iyo Hirshabeelle;Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) iyo Maxammed Cabdi Waaare, Labada mas’uul ayaa muddo hal sano ah xilkaan haynaya,  sida war-murtiyeedka ku qoran.

“Golahan wuxuu ka shaqeyn doonaa horumarinta danaha Dowlad Goboleedyada oo ay barbar socoto dib u-heshiisiin dhab ah oo ku salaysan heer bulsho,taasoo horseedi doonta dega’naan iyo xasilooni waarta”,ayaa lagu yiri War-murtiyeedka, laakiin qaar kamid ah dadka ka faallooda Siyaasadda Soomaaliya ayaa golahan u arka “mid awood midaysan loogu muujinayo dowladda dhexe, si cadaadis adag loo saaro”, maadaama maamul goboleedyadu sheegeen in 90% ay mas’uul ka yihiin dhulka Soomaaliyeed, taasi oo ka dhigan in Dowladda dhexe loo reebay 10%.

Dhinaca kale madaxda maamul goboleedyada oo cuskanaya Qodobka 53 aad ee Dastuurka federaalka, ayaa dowladda dhexe u soo jeediyey in ay kala tashato go’aannada masiiriga ah ee saamaynaya degaannada ay maamulaan, xilli uu taaganyahay muranka u dhexeeya Dowladda dhexe iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada ee ka dhashay go’aankii xukuumadda Soomaaliya ka qaadatay khilaafka Arrimaha gacanka, inkastoo aan war-murtiyeedka si toos ah loogu xusin murankaasi.

Waxay ku baaqeen in la ilaaliyo xasiloonida iyo dega’naanshaha Galmudug,lagana daayo faro-gelinta,si aanu u burburin maamulkaasi,waxayna soo jeediyeen in khilaafka u dhexeeya madaxda sare ee Galmudug lagu xalliyo wada-xaajood iyo is-qancin,islamarkaana aan loo gacan-dhaafin arrimahooda gudaha,iyadoo dhowaan madaxweyne Xaaf ku eedeeyay Xukuumadda Soomaaliya in ay faro-gelin ku hayso maamulkiisa.

Madaxda ayaa walaac ka muujiyey hannaanka Dowladda dhexe u maamulayso arrimo ay kamid yihiin; Kaalmada caalamiga,hirgelinta Federaalka,dhaqan-gelinta Dastuurka,xeerarka ay meel mariyaan Golaha Xukuumadda,doorashada 2020,iyo qaybsiga khayraadka dalka,waxayna sheegeen in ay si ku meel gaar ah u hakiyeen hawlaha la xiriira dhammaan xeerarka iyo dib u-eegista Dastuurka ee hay’adaha dowlad goboleedyadu la wadaan,kuwa Dowladda dhexe ee Soomaaliya”si fursad loo siiyo in go’aan kama dambaysa ah oo siyaasadeed laga gaaro sida loo wadaagayo khayraadka iyo awoodaha fulineed ee dalka”(War-murtiyeedka).

Arrimaha Amniga Dalka

War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in Dowladda dhexe ka mashquushay amniga dalka iyo dagaalka al-shabaab,taasoo ay ku tilmaameen”mid fursad siinaysana Nabad-diidka”.Sidoo kale waxay qireen in uu jiro habac dhanka amniga ah oo ka dhashay wada-shaqeyn la’aan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa maamulgoboleedyada,waxayna Dowladda dhexe ka dalbadeen in ay fuliso heshiiskii amniga Qaranka ee maamul goboleedyada iyo xukuumadda Federaalka ku saxiixeen magaalada Muqdisho.

War-murtiyeedka ayaa lagu soo gebo-gabeeyey baaq ku aaddan tayeynta,Xoojinta qalabaynta iyo taba-barka ciidanka Soomaaliyeed”si ay awood ugu helaan in ay sugi karaan amniga waddanka”,waxayna ka digeen in la yareeyo tirada ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya,inta laga helayo ciidan Soomaaliyeed oo hanan kara aminga dalka,taas baddelkeeda waxay codsadeen in la siyaadiyo tirada Ciidanka AMISOM,iyagoo u mahadceliyey dhammaan dalalka Ciidanka Nabad Ilaalinta ku taageeray Soomaaliya iyo beesha caalamka oo deeqaha ka taageerta.

jawaabta Dowladda Dhexe.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxammed cabdullaahi Maxammed(Farmaajo) oo dhankiisa War-murtiyeed soo saaray, ayaa ka jawaabay qodobada ka soo baxay shirka Kismaayo,wuxuuna ku baaqay in la ilaaliyo midnimada iyo wada-shaqeynta hay’adaha Federaalka iyo kuwa heer maamul goboleed “Madaxweynaha wuxuu si dhaw ula socdaa dareenka ay muujiyeen madaxda Dowlad Goboleedyada, waxa uuna hoosta ka xarriiqayaa in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeynta hey’adaha Federaalka iyo hey’adaha heer Dowlad Goboleed si looga mira dhaliyo waajibaadka dastuuriga ee na wada saaran iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed”.
“Dhammaan madaxda dalka ee heerarka kala duwan waxaan xasuusinayaa inuu dalkeenu ku jiro dib u kabasho dhinac walba leh, waddada kaliya ee lagu gaari karo dib u kabasho dhameystiranna ay tahay midnimo iyo wadashaqeyn ku dhisan maslaxadda guud oo ah midda aan dhammaanteen u dhaarannay”,ayaa lagu yiri War-murtiyeedka ka soo baxay xafiiska Madaxweyne farmaajo.

Ahlu-sunna Wal-jamaaca.

Maamulka ah Ahlu-sunna wal-jamaaca ee gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay si weyn u soo dhoweynayaan go’aannada shirka Kismaayo,waxayna ku tilmaameen kuwo wanaagsan oo ku saabsan in laga wada hadlo wixii Somaali u dan ah.Guddoomiye ku xigeenka maamulkaasi oo saxaafadda la hadlay ayaa soo dhoweeyey shirkaasi iyo go’aanada ka soo baxay,wuxuuna tilmaamay in ay si buuxda u taageersan yihii.

Muxuu ahaa ujeedka laga lahaa shirkaan?

Madaxda shirkaan yeeshay waxay ku sheegeen”mid wada-tashi ah”,laakiin xeel dheerayaasha Siyaasadda qaarkood ayaa u jeedka shirkaan ku soo koobay:

  1. In maamul goboleedyadu muujiyaan cudud midaysan oo wax la qaybsan karta Dowadda dhexe,waana tan keentay in ay samaystaan waxaa loogu yeeray”Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada”.
    2. In lagu khasbo Dowladda dhexe in ay maamulgoboleedyada tashi kala samayso dhammaan go’aannada ay gaarayso,xataa kuwa ay awoodda u leedahay in kaligeed gaarto, iyo
    3. In laga hortago faro-gelin Dowladda dhexe ku samayso arrimaha maamulgoboleedyada,si aanay madaxda maamulgoboleedyada ugu dhicin wixii Cosoble ku dhacay.

Falanqayn Kooban

Faalleeyaasha Siyaasadda Soomaaliya ayaa ku kala aragti duwan go’aannada ka soo baxay shirka maamul goboleedyada dalka ee magaalada Kismaayo iyo saamaynta ay ku yeelan karaan dabaysha siyaasadda Soomaaliya ee weji badanta ah,gaar ahaanna xilli Dowladda federaalka iyo qaar kamid ah maamulgoboleedyada ay ku kala aragti duwan yihiin khilaafka ka taagan Khaliijka Carabta,kaasoo xukuumadda Federaalka ay go’aan dhex-dhexaadnimo ah ka qaadatay,halka maamulgoboleedyada Puntland,Galmudug,iyo K/galbeed ay la safteen dalalka Sacuudigu hoggaaminayo ee xiriirka u jaray Qadar oo ay ku eedeeyeen in ay taageerto argagixisada.

Pro: Cabdullaahi Xassan Xuseen oo ka faallooda Siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan in go’aannadaasi yihiin kuwa loo baahnaa,maadaama sida uu sheegay lagu tuntay Dastuurkii Soomaali ku heshiisay,islamarkaana Dowladda Soomaaliya ay jebisay Qodobkii 53 aad ee dasturka,kaasoo dhigayey in maamulgoboleedyada lagala tashado siyaasadda Arrimaha Debadda ka hor intaanay go’aan ka qaadan.

“Dowladda Soomaaliya waxay jebisay Qodobka 53 aad ee dhigaya in maamulgoboleedyada ay la tashi la samayso ka hor imta aanay qaadan go’aannada masiiriga ah,taas ayaa keentay in odoyaashan ay ku shiraan kismaayo,si Dowladda federaalka Cadaadis loogu saaro ku dhaqan-ka Dastuurka oo aan hadda ognahahay in Dastuurka ay isku haystaan laba kooxood oo ay kala hoggaamiyaan Ina-qaybdiid iyo Xoosh”,ayuu yiri Pro: Cabdullaahi.

Dhinaca kale Pro: Liibaan Ciise oo Bare ka ah Jaamacadda Muqdisho University ayaa sheegaya in go’aannadaani ay wiiqayaan rajadii shacabka Soomaaliyeed ee ahayd in la helo midnimo iyo wada-shaqeyn si looga gudbo marxaladdaan adag”Waxaa ka muuqata in al leeyihiin annaga ayaa wax walba maamulaynaya annaga ayaa amniga boqolkiiba intaas ah,marka Dowladdii dhexe uma soo harin illaa boqolkiiba 10% sida ku cad war-murtiyeedka”ayuu yiri Pro:Liibaan Ciise.

Pro: Liibaan wuxuu aaminsanyahay in Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada uu la wareegay awooddii Dowladda Dhexe,islamarkaana uu muuqdo Dowlad kale oo dalka ka arriminaysa”Habkaan ay u dhigeen iyo Golahaan ay sameeyeen oo barbar socda Dowladdii dhexe,marka waa Dowlad dhexe oo Dowad laga hoos sameeyey” ayuu yiri Pro Liibaan.

Siyaasi Daahir Cabdulqaadir Muuse (Daahir Ciiro) oo hore uga tirsanaan jiray Baarlamankkii Soomaaliya,kana soo jeeda Puntland,ayaa sidoo kale ku ra’yi ah Pro Liibaan,wuxuuna go’aannada ka soo baxay Kismaayo ku tilmaamay kuwa loogu talo-galay in lagu wiiqo awooddii Dowladda dhexe oo awalba aan tabar buuran lahayn”waxaan u arkaa go’anno loogu talo-galay in lagu wiiqo awooddii Dowladda dhexe e e awalba soo kabashada ku jirtay.Go’aannadaasina maaha kuwa ay annaga nagu matalaan nimanka halkaasi ku shiray.Waa waxaan dan iyo maslaxo u ahayn dadka iyo dalka Soomaaliyeed”ayuu yiri daahir Ciiro.

Xidhibaan Muuse Axmed Ismaaciil oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa isagu qaba in Dowladda Federaalka looga baahanyahay in ay wada-hadal la gasho madaxda maamul goboleedyada,si loo turxaan bixiyo qodobada la isku hayo,loogana fogaado khilaaf ragaadiya dalka Soomaaliya oo haatanba ka soo kabanaya dhibaatadii ka soo gaartay burburkii Sagaashamaadkii “Waxa haatan jira waxaa kala saari kara iyado Dastuurka la dhammaystiro.Inta Dastuurka la dhammaystirayo waa in Dowladda dhexe wada-hadal la samaysaa maamulgoboleedyada si loo xalliyo arrimaha muranka dhaliyey”, ayuu yiri Xidhibaan Muuse.

PUNTLANDPOST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

One comment on “Muxuu ahaa ujeedka laga lahaa shirka Kismaayo?”

  1. Siyaasada debeda Somaaliya waxaa mas’uula dawlada federalka ee ha looga dambeeyo, wixii talo, tusaale iyo dereen ahna iyada ha Lagala hadlo, hadii kale waa isdhex yaac, fawdo iyo jaah wareer joogtaan ah

    Said Mohamud

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *