Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay midnimo iyo wada-shaqeyn

War qoraala oo ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu si dhaw ula socdaa dareenka ay muujiyeen madaxda Dowlad Goboleedyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sidoo kalana ay lagama maarmaan tahay wada shaqeynta hey’adaha Federaalka iyo hey’adaha heer Dowlad Goboleed si looga mira dhaliyo waajibaadka dastuuriga ee na wada saaran iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

“Dhammaan madaxda dalka ee heerarka kala duwan waxaan xasuusinayaa inuu dalkeenu ku jiro dib u kabasho dhinac walba leh, waddada kaliya ee lagu gaari karo dib u kabasho dhameystiranna ay tahay midnimo iyo wadashaqeyn ku dhisan maslaxadda guud oo ah midda aan dhammaanteen u dhaarannay.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in ay marwalba imaan karto dhaliilo iyo dal-daloolo ka yimaada wadashaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda, waxaase uu lagama maarmaan ku tilmaamay in lagu xalliyo wadahadal iyo isqancin u dhexeeysa madaxda iyo hay’adaha iyada oo la raacayo habraaca dastuurka iyo qawaaniinta dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in uu ku kalsoonyahay in loo gudbi doono wada shaqeyn iyo iskaashi si looga mira dhaliyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Hadalka Madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo aadaya, ayadoo maanta ay War-murtiyeedka ka soo saareen shirkii Kismaayo madaxda maamul goboleedada, kaas looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen arrimaha Siyaasadda, Amniga, Federaaleynta, Dastuurka, Kaalmada Caalamiga, sidoo kalana talooyin iyo baaq loogu jeediyay dowladda Federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST