Daawo:-Dhalinyaro dareen qiiro leh maanta kusoo bandhigay Garowe

Magaalada Garowe madal kulmisay in ka badan 200 oo dhalinyaro ah Madaxda Wasaaradda Dhalinyaradda PUNTLAND ayaa sabab la,aan uga baaqday inay kala qeybgalaan munaasabad ay ugu dabaaldegayaan sanad guurada 1aad oo kasoo wareegtay maalintii la asaasay Urur la yiraahdo KU CELI WAXAAD BARATEY DHULKAAGA HOOYO oo ay hindiseen Dhalinyaro ka aflaxday Jaamacadaha Dibadda iyo Gudaha kuwaas oo bilow u ahaa ololaha baraaruga dhalinyarada oo bilihii lasoo dhaafey ka socda mandiqada Puntland.

Dhalinyarada qabanqaabisay xaflada iyo qaar ka mid ah kasoo qeybgalayaasha ayaa xaqiijiyey in lagu casumay masuuliyiin balse nasiib daro aysan ka helin jawaab qeexaysa sababta ay uga baaqdeen madashii ay soo xaadireen dhalinyaro fara-badan oo himiladoodu tahay ka qeybgalka horumarka dalka.

Cabdirasaaq Axmed Jaamac Gudoomiyaha KU CELI WAXAAD BARATEY DHULKAAGA wuxuu sheegay inay gaareen guulo muddo sanad ah oo ay soo wadeen barnaamijkan oo bulshada gacan ka siiya Waxbarid,Tababarid iyo Wacyigalin

Wuxuu ku dhiiri galiyay dhalinyarada kale inaysan marna ka harin halgankooda ku qotoma baraaruga dhalinyarada Soomaaliyeed Islamarkaana aysan ka niyad jabin barnaamijyada ay ka wadaan gudaha dalka gaar ahaan Puntland oo aysan jirin cid taageero ku siisa.

DAAWO .

Dhinaca kale Agaasimihii horre la dagaalanka Burcad badeedka Puntland Cabdirasaq Duceysane iyo qaar ka mid ah ka qeybgalayaasha xaflada ayaa dareenkooda ku muujiyay abaabulka dhalinyarada iyo sida aysan weli u helin hagid iyo taageero uga timaada cidday quseyso arrimaha ay ku hawlan yihiin.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST