DAAWO:- Garowe oo looga dhawaaqay Urur Siyaasadeed Cusub

Xaflad galinkii dambe 25 Setemper lagu qabtay magaalada Garowe ayaa lagu shaaciyay Urur siyaasadeed cusub oo magaciisa la yiraahdo UMMADDA, waxaana ka qeybgalay munaasabada masuuliyiin ka tirsan Gollaha Xukuumadda, Guddiga Doorashooyinka Kumeelgaarka ee Puntland, Odoyaal,Aqoonyahano,Dhalinyaro,Haween iyo Marti sharaf kale.

Cabdirashiid Maxamed Cali oo ah Aqoonyahan reer Puntland ah ayaa shaaciyay Ururka la dhaho Ummadda, wuxuuna sheegay inuu qeyb ka noqon doono kooxaha u tartami doona hogaaminta siyaasadda Puntland iyo Guud ahaan Soomaaliya, Islamarkaana ay ka dambeysay furitaankiisa ka dib markay ku midoobeen Aqoonyahano Soomaaliyeed oo kala jooga gudaha iyo dibadda.

Wuxuu sheegay inuu kaga duwan yahay Ururka Ummadda kuwii ka horeeyay qaab dhismeedkiisa oo ku salaysan mid si sharciya looga diiwaangalin doono maamul kasta iyo Dowlada dhexe, Islamarkaana uu noqonayo urur ka dhaxeeya dhamaan shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna sheegay in qorshahooda uu bilow u yahay diiwaangalinta ay ka sameeyeen Puntland.

Waxaa ka hadlay Xaflada lagu shaaciyay Urur siyaasadeed cusub Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland Caaqil Cabdiraxmaan Diiriye Shuuqe oo sheegay in hadafkoodu yahay sidii ay talada uga soo dejin lahaayeen Buurta Madaxtooyadda Villa Garowe,taas bedelkeedana u dhex keeni lahaayeen lahaa Shacabka.

Daawo khudbadaha laga jeediyay Xafladda.

Dhinaca kale xubno ka tirsan Gollaha Wasiiradda Puntland oo ka hadlay xaflada ayaa dhankooda sheegay inay soo dhaweynayaan ku dhawaaqista Ururka Ummadda, waxayna sheegeen inay ku faraxsan yihiin kusoo biirida siyaasadda dadka ka socda Ururkaan cusub.

Urur siyaasadeedkan cusub ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay oo la shaaciyo tan iyo intii ka dambeysay magacaabistii Guddiga Doorashooyinka Nidaamka Asxaabta badan oo hadda laga joogo muddo ka badan hal sano.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.