Maqaal:- Sidee uga hor tegi karnaa Dagaal Oogayaasha cusub (Hogaamiyaasha Dowlad Goboleedyada)?

Ahmed Hundubey

Calgary, Alberta. Canada

Hundubey.bashir@gmail.com

Maalmahaan dambe waxaa soo badanayey is khilaaf iyo iska dabahadal ka kala imaanayey dowlada dhexe ee Soomaliya iyo Dowlad goboleedyada kala duwan ee dalka ka jira. waxaad moodaa in ay taasi meesha ka saareyso hadafkii ay shacabka Soomaaliyeed  hiigsanayeen iyo rajadii ay ka dhursugayeen in ay helaan qaran mideysan. waxaa la kala garan la’yahey cidda masuulka ka ah siyaasada guud ee wadanka lagu maamulayo. waxaa si ula kac ah loogu tuntay axdigii wadanka u yaalay. Hadaba waxaa is weydiin mudan yaa ka masuul ah siyaasada arimaha dibada, nabadgelyada, canshuuraha iyo dhismaha ciidan qaran.

Inta badan wuxuu khilaafku ka soo yeerayaa madaxda dowlad goboleedyada oo mar marka qaarkood u dhaqmaya sidii dagaal oogayaashii dalka laga sifeeyey (Warlors). Dad badan oo siyaasadaha geeska Africa falanqeeyaa waxay u arkaan madaxdaas in ay u xuubsiibteen Dagaal Oogayaal Siyaasadeed iyo Dhaqaale (New Political and Economic Warlods). Waxaan tusaale u soo qaadankarnaa in qaar badan oo ka mid ah madaxda dowlad gobleedyada in ay si cad uga horyimaadeen go’aankii dhex dhexaadnimada ee ay dhowaan qaadatay dowlada dhexe ee ku aadanaa khilaafka dowladaha khaliijka. Waxaan kale oo aan ka wada dheregsanahay in ay qaar kalena ka horyimaadeen hindisii dib u dhiska ciidanka qaranka Soomaaliyeed iyo mashaariic dhaqaale oo dalka lagu horumarin lahaa.

Hadaba waxaa is weydiin muddan maxaa ku kalifey in ay sidaas u dhaqmaan?  Waxaan oran karnaa waxaa sabab u ah in ay wataan ama fiirsanayaan dano u gaar ah oo ay isleeyihiin waxaad  ku heli kartaan dhaqaale iyaga dan u ah. Taas waxay dhinac marsantahay rabitaanka  dadka ay masuulka ka yihiin iyo guud ahaan midnimada qaranka Soomaaliyeed. Mida labaad, waxey maamuus iyo maqaam ka raadinayaan dowlado shiyeeye oo dana gaar ah ka leh siyaasada kala qeybsan ee dalkeena. Sidaan horay ugu iftiimiyey maqaalkii- Dal beec ah iyo dadkiisoo Gaajeysan – PUNTLAND POST.

Siyaasadahaan is khilaafsan waxey caqabad iyo dhabarjab weyn ku yihiin jiritaanka qaranka Soomaliyeed oo ku jira marxalad adag. Sidaas darteed,  waa in xal loo helaa sidii loo maareeyn lahaa khatarta ay xambaarsanyhiin, iyadoo uu masuul ka saaranyahey qofkasta oo ka dhursugaya in aan helno qaran mideysan oo Soomaliyeed iyo dowlad wanaag. Hogaanka dowladda dhexe waa in ay la yimaadaan xirfado iyo xeelado  ay ku wajahayaan dagaal oogayaasha cusub iyagoo kaashanaya shacabka, dowladaha caalamka ee daneeyanaya horumarka Soomaaliya. Waxaa si gaar ah xil uga saaranyahy mudanayaasha labada gole ee ka soo jeeda dowlad goboleedyada waxaana looga fadhiyaa in ay bilaabaan abaabul ay uga hortagayaan daneystayaasha marin habaabinaya rajadii dhismaha qaran. Waxaad moodaa in shacabkeena ay ku qanacsanyihiin is bar bar yaaca iyo siyaasada guracan ee ay ku beer laxowsanayaan hogaamiyaasha dowlad goboleedyadu. Waxeyse ilaaween in ay u dhaarteen dalka iyo dadka ay masuulka ka yihiin.

Waxaa isa soo taraya wararka sheegaya in qaar ka mid ah wadamada  Khaliijka ay si qarsoodi ah dabada uga reexayaan sidii loo ridilahaa dowlada cusub ee uu madaxda kayahay Maxamed Abdullahi Farmaajo iyagoo adeegsanaya madaxda dowlad goboleedyada qaarkood. Shacabka Soomaaliyeed waa in ay ka dhiidhiyaan ficilada noocaan ah oo lagu wiiqayo qaranimadeena. Waad wada ogtihiin in wadankeena ay maanta joogaan ciidamo wadamo shisheeye oo dhaqaale ku qaata in ay nabadeena sugaan iyo kuwo kale oo dano gaar ah wata kana soo horjeeda midnamadeena. Taas waxaan uga bixi karnaa markaan dhisano ciidan qaran oo ka madax banaan qabiil,qabyaalad iyo musuq maasuq.  Waa inaan ka ka hortagnaa siyaasada DAGAAL OOGAYAASHA CUSUB ( New Political and Economic Warlords) waayo waxey hortaaganyihin isku duubnideena, mustaqbalka carrurteena iyo in aan cadaalad iyo dowlad wanaag helno.

Horumar iyo Cadaalad.