Galmudug oo Go’aan kasoo saartay Shirarka aanay ogeyn ee lagu qabto Deegaannadeeda

Cadaado (PP) ─ Maamul-goboleedka Galmudug ayaa go’aan kasoo saaray maanta kulammada lagu qabto deegaannada uu maamulkaas ka taliyo, kaas oo aan ogolaasho looga haysan mas’uuliyiinta maamulka.

Go’aankan ayaa imaanaya iyadoo uu dhawaanahan khilaaf ka dhashay hadal uu ku taageeray madaxweynaha Galmudug dalalka Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiga, kana soo horjeestay dalka Qatar oo uu khilaaf kala dhexeeyo labada dal ee uu taageeray.

Tallaabadaas  ayaa keentay inuu khilaaf culus soo dhexgalo madaxweyne ku xigeenka maamulkaas iyo madaxweynaha, sidoo kalena waxaa arrintaan soo fara-geliyay guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, inkastoo aan khilaafka weli la xallin.

Haddaba, AKHRISO Warka kasoo baxay Maamulka Galmudug;

PUNTLAND POST