Hay,adda PAC oo Bosaso ku daahfurtay barnaamij u qareemida dadka la nool Firus-ka HIV

Hay,adda la dagaalanka Aids-ka Puntland (PAC) ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 25/09/017 ku daahfurtay magaalada Bosaso guddi heer gobol ah oo ka shaqaynaya wacyigalinta iyo u qareemida barnaamijka HIV.

Guddigaan oo ay xubno ka yihiin Maamulka Gobolka,Culimo udiin iyo Nabadoono ayaa ka shaqeynaya sidii loo yareyn lahaa fuquuqa dadka la nool xanuunka, wacyi galin joogto ah iyo U qareemid.

Sidoo kale qorshaha ay wado Hay,adda PAC ayaa ku saabsan sidii guddiyo la mid ah kan Bosaso looga hirgalin lahaa dhamaan gobolada Puntland si hoos loogu dhigo faafinta loona xakameeyo HIV/Aidska, Iyadoona barnaamijyo wacyi galin ah iyo u qareemid ku saabsan dadka la nool Virus-kan Hay,adda Puntland Aids Commision ka wado Gobolladda kala duwan ee Puntland.

Waxayna noqonaysa talaabadani markii ugu horeysay oo shacabka iyo Dowladda Puntland si wada jir ah ay isaga kaashanayaan xakamaynta HIV/Aids.

Daawo Sawiro

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST