Dowladda Ciraaq oo daldashay 42 Ruux oo Sunni ah.

Dowladda Ciraaq ayaa Axaddii dil ku fulisay 42 ruux oo muslimiinta sunniga ah,kuwaasoo lagu helay argagixisanimo,sida ay sheegtay waaxda caddaaladda dalkaasi.

Dadka la daldalay ayaa sidoo kale lagu eedeeyey in ay ka dambeeyeen qaraxyo lagu beegsaday ciidamada ciraaq iyo dad rayid ah oo ay mas’uuliyadeeda sheegatay Daacish,balse hay’adaha xuquuqda aadanaha e debadda ayaa xukunkaas ku tilmaamay”mid aan caddaalad ahayn oo lagu fuliyey eedaysanayaal aan qareemmo loo qaban”.

Ha’adda Xuquuqda aadanaha Amnesty International ayaa war ay soo saartay Isniintii ku sheegtay in dil wadareedkaasi muujinayo,sida mas’uuliyiinta Ciraaq aanay xil isaga saarayn xuquuqda insaanka,waxayna xukunka ku tilmaamntay mid laga naxo,balse waaxda caddaaladda Ciraaq ayaa ku andacoonaysa in hannaanka garsoorka dalku aanu cidna ku xadgudbin.

Xukunka lagu fuliyey 42 ruux ee ku eedaysan argagixisanimada ayaa weriyaashu ku tilmaameen kii ugu weynaa sannadkaan 2017 dalkaasi laga fuliyo,wuxuuna dabo socday cabasho weyn oo ka timid dadka Shiicada ah,kuwaasoo dowladda ka dalbanayey in ay sharciga mariso,xubnaha ka tirsan Daacish ee lagu qabto qaraxyada,iyadoo weerarkii ugu dambeeyey ee Shiicada lagu qaaday 14 Sep ee sannadkaan ay ku dhinteen ugu yaraan 60 ruux degmada Nassiriya ee Koonfurta Ciraaq.

Weerarkaasi ugu dambeeyey ayaa waxaa sheegatay Daacish,waxayna ballanqaaday in ay sii laba-jibbaarayso,inkastoo ururka looga adkaayday dagaalka tooska ah ee ay kula jiraan ciidanka Ciraaq iyo Xulafadooda.

 

PUNTLANDPOST

Cabadiraxmaan Ciise Cumar